Cisbitaalka Hargeysa ayaa la keenay Gabadh ku dhimatay Cilaaj lagu dabiibayey iyo Sheekhii Cilaajka oo Xabsiga la dhigay

0
Tuesday April 08, 2014 - 16:44:32 in by Super Admin
  • Visits: 1424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cisbitaalka Hargeysa ayaa la keenay Gabadh ku dhimatay Cilaaj lagu dabiibayey iyo Sheekhii Cilaajka oo Xabsiga la dhigay

    Ciidanka Bileyska Ee Somaliland Ayaa Qabtay Nin Goob Cilaaj Ah Ku Haystay Xaafada Jig-jiga Yar Ee Magaalada Hargaysa Oo Ay Gacantiisa Ku Dhimatay Sida La Xaqiijiyey Gabadh 17-jir Ah Oo Loogu Geeyey In Uu Ka Saaro Jin Galay Ka Dib Markii Uu Ku Qabtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Bileyska Ee Somaliland Ayaa Qabtay Nin Goob Cilaaj Ah Ku Haystay Xaafada Jig-jiga Yar Ee Magaalada Hargaysa Oo Ay Gacantiisa Ku Dhimatay Sida La Xaqiijiyey Gabadh 17-jir Ah Oo Loogu Geeyey In Uu Ka Saaro Jin Galay Ka Dib Markii Uu Ku Qabtay Koronto.


Gabadha Dhimatay Ayaa La Keenay Cisbitaalka Guud Ee Hargaysa Halka Ninkan Lagu Eedaynayo Falkana Lagu Hayo Xarunta C.I.D-da Sida Ay Xaqiijiyeen Saraakiil Ka Tirsan Amaanku.

Ugbaad Axmed Ismaaciil Oo Ahayd Gabadh Todoba Iyo Toban Jir Ah (17 Sano Jir), Ayaa Maanta La Geeyay Cilaajka La Sheegay Inay Ku Dhimatay, Halkaasoo Waalidkeedu Ugu Geeyeen Nin La Sheegay Inuu Hore U Dilay Xaas Uu Qabay, Kaasoo Walxo Danabaysan Ama Koranto Ku Qabtay Qaybo Ka Mida Oggada Sare Ee Jidhkeedda.

"Gabadha Hooyaddeed Ayaa Sheegtay In Ninku Koranto Ku Qabtay, Oo Uu Ku Yidhi Laydhka Ayaa Lagu Saaraa Jinka, Dabaddeed Markii Uu Waayirrada Ku Qabtay, Intay Qaylisay Naftu Ka Baxday” Waxa Sidaasi Sheegtay Mid Ka Mid Ah Dadkii La Kulmay Eheladda Marxuumadda.

Sidoo Kale Sarkaal Ka Tirsan Hay’ada Ammaanka Ayaa Sheegay In Xarunta C.I.D-Da Lagu Hayo Ninkii Gabadha Jinka Ka Saarayay "Kiiskaa Baadhisbaa Lagu Hayaa, Maydkiina Wuxuu Yaalaa Dhakhtarka, Ninkii Waddaadka Ahaana Wuxuu Ku Xidhanyahay Dambi Baadhista, Birito Ayaana Baadhistiisa La Bilaabayaa”.

Waxa La Sheegay In Baadhis Lagu Samayn Doono Maydka Si Xaqiiqo Dhab Ah Looga Ogaado Sababta Dhab Ah Ee Ka Dambaysay Geerida Gabadhan Dayarta Ah.

Goobaha Cilaajyada Ayaa Dhibaatooyin Kala Duwan Ay Kala Kulantaa Bulshadu Iyadoo Wali Aanay Jirin Xal Dhibkaasi Lagag Gudbayo Oo Ay Xukumadu Qaaday.








Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com