Aaron Ramsey Muxuu Ka Yiri Wararka Sheegaya In Barcelona Ay Ku Dooneyso Aduun Dhan 50 Malyan Oo Pound

0
Friday May 29, 2015 - 17:45:37 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aaron Ramsey Muxuu Ka Yiri Wararka Sheegaya In Barcelona Ay Ku Dooneyso Aduun Dhan 50 Malyan Oo Pound

    Aaron Ramsey ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay wararka xanta ah ee sheegaya in 50 Malyan Oo Pound ay ku dooneyso kooxda Barcelona. 24-jirkaan reer Wales ee dhexda kaga ciyaara Arsenal ayaa lagu waramay iney si ba'an u dooneyso Barca isla marka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aaron Ramsey ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay wararka xanta ah ee sheegaya in 50 Malyan Oo Pound ay ku dooneyso kooxda Barcelona. 24-jirkaan reer Wales ee dhexda kaga ciyaara Arsenal ayaa lagu waramay iney si ba'an u dooneyso Barca isla markaana ay soo kormeertay in ka badan 10-jeer xili ciyaareedkaan dhamaaday.


Balse Ramsey oo qandaraaska uu Arsenal kula jiro uu ku egyahay ilaa 2019, ayaa biyo qabow ku shubay wararkaas isagoo ku sheegay warar aan sal iyo raad midna laheyn.

"Maya, Maya waqtigaan, waxaan diirada saarayaa FA Cupka”

"Waa sheekooyin ay qoreen wargeysyada oo kaliya, waxaan diirada saarayaa inaan Arsenal u qaado koobka FA Cupka” Ayuu yiri Ramsey.

"Dhamaan wararka ay qoraan wargeysyada ima saameyneyso”

Si kastaba Aaron Ramsey oo ahaa xidigii goolkiisa ay Arseanl ku qaaday koobka FA Cupka sanadii hore ayaana mar kale doonaya inuu kooxdiisa usoo xareeyo koobkaas markii labaad oo xiriir ah.

Ugu dambeyntii Arsenal waxey finalka la ciyaari doontaa Aston Villa iyadoo kulankana uu ka dhici doono garoonka Wembley ee London ku yaala



Conatct2afkahsacabka.com