Waa Tee Dhacdadii Loogu Hadal-heynta Badnaa Premier League Bogga Twitter Xilli Ciyaareedkan? Kooxdee Ayaase Taageerayaasha Ugu Badan Ku Leh Twitter?

0
Friday May 29, 2015 - 18:05:58 in by Burco Office
  • Visits: 1166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Tee Dhacdadii Loogu Hadal-heynta Badnaa Premier League Bogga Twitter Xilli Ciyaareedkan? Kooxdee Ayaase Taageerayaasha Ugu Badan Ku Leh Twitter?

    Bogga bulshada ee Twitter ayaa muhim weyn u noqday kubada cagta caalamka, waxaana ay noqotay goob si weyn maalin walba loogu falanqeeyo kubada cagta iyo dhacdooyinka ka soo cusboonaada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bogga bulshada ee Twitter ayaa muhim weyn u noqday kubada cagta caalamka, waxaana ay noqotay goob si weyn maalin walba loogu falanqeeyo kubada cagta iyo dhacdooyinka ka soo cusboonaada.


Waxaana xilliga ugu weyn ee kubada cagta ay qabsato Twitter ay tahay marka ay socdaan horyaalada gaar ahaan marka uu socdo horyaalka Premier League.

Laakiin, dhacdadee ayay aheyd midii loogu hadalheynta badnaa Twitter ee xilli ciyaareedkii dhamaaday ee 2014-15.

Sida ay daabacday Daily Mirror shaqaalaha shabakada Twitter ayaa soo bandhigay tirooyinka dhacdadii ugu hadalheynta badneyd horyaalka Premier League.

Seddexdii dhacdo ee loogu hadalheynta badnaa horyaalka Ingariiska ee Twitter xilli ciyaareedkan waxa ay kala ahaayeen…

3. Goolkii uu weeraryahanka Chelsea Didier Drogba dhaliyay kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Manchester United bishii October.

Didier Drogba celebrates scoring the opening goal against Manchester United at Old Trafford

2. Goolka barbaraha ee uu dhaliyay Robin van Persie isla kulankaas.

1. Goolkii laba lugaaleyda ahaa ee uu Juen Mata u dhaliyya Man United kulankii ay bishii March la ciyaareen Liverpool.

Juan Mata scores his second goal

Haa, goolkaas quruxda badan ee uu dhaliyay xiddiga reer Spain ayaa ahaa dhacdadii loogu hadalheynta badnaa Premier League xilli ciyaareedkan ee bogga Twitter, waana ay adag tahay in muran laga keeno taas.

 

Laakiin tirooyinka ay soo bandhigtay Twitter intaas waa ka badan tahay, waxa ay sidoo kale xisaabiyeen kulamadii loogu hadalheynta badnaa xilli ciyaareedkan waxaana ay kala yihiin:

5. Chelsea 2-0 Arsenal – October 5th 2014

4. Manchester United 1-1 Chelsea – October 26th 2014

3. Manchester United 4-2 Manchester City – April 12th 2015

2. Manchester United 3-0 Liverpool – December 14th 2014

1. Liverpool 1-2 Manchester United – March 22nd 2015

Tobankii tababare ee loogu hadal heynta badnaa Premier League xilli ciyaareedkan.

10. Harry Redknapp

9. Mauricio Pochettino

8. Ronald Koeman

7. Tim Sherwood

6. Alan Pardew

5. Manuel Pellegrini

4. Brendan Rodgers

3. Arsene Wenger

2. Louis Van Gaal

1. Jose Mourinho

Jose Mourinho smiles during a press conference at a hotel after the team arrived

Shabtii garsoore ee loogu hadalheynta badnaa xilli ciyaareedkan

5. Mark Clattenburg

4. Phil Dowd

3. Martin Atkinson

2. Mike Dean

1. Michael Oliver

Ander Herrera is shown the yellow card by Michael Oliver

Shanta kooxood ee ugu taageerayaasha badan bogga Twitter ee Premier League.

5. Manchester City (@MCFC) – 2.5 million followers

4. Liverpool (@LFC) – 4.3 million followers

3. Manchester United (@ManUtd) – 5.1 million followers

2. Chelsea (@ChelseaFC) – 5.6 million followers

1. Arsenal (@Arsenal) – 5.8 million followers

Theo Walcott celebrates with team mates after scoring the second goal


Conatct@afkashacabka.com