Xaflad lagu taageeray shirka Maamul u samaynta Gobollada Dhexe oo lagu Qabtay Columbus OHIO

0 in by Burco Office
  • Visits: 718
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaflad lagu taageeray shirka Maamul u samaynta Gobollada Dhexe oo lagu Qabtay Columbus OHIO

    Columbus OHIO(AFKA)Boqolaal Soomaali ah oo ku nool Columbus ah ayaa kasoo qayb-gashay munaasabad lagu taageerayay shirka maamul u samaynta Gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo haatan ka socda magaalada Cadaado ee gobolka Gal-gudud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Columbus OHIO(AFKA)Boqolaal Soomaali ah oo ku nool Columbus ah ayaa kasoo qayb-gashay munaasabad lagu taageerayay shirka maamul u samaynta Gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo haatan ka socda magaalada Cadaado ee gobolka Gal-gudud.

 

Munaasabadaoo ay soo Abaabushay Jaaliyadda Gobollada Dhexe ee GobolkaOHIO ayaa waxay ujeedka xafladooda ku sheegeen dhiirogalinta iyo taageerida dadkagobolada dhexe sidii ay aayahooda uga tashan lahayeen isla markaana u samaysan lahayeen maamul ay ku midaysanyihiin.

Xasan Jilicow Maslax oo ka mid ahaa Masuuliyiintii xaflada ka hadlay ayaa yiri " Waxan halkan fariin Baaq ah, Wacyigalin ah, iyo gubaabo halkan uga diraynaa dhamaan inta ku howlahan dhismaha maamul u samaynta Gobollada Dhexe kaasoo kulanka lagu dhisayo uu ka socdo magaalada Cadaado; inagoo ku Han-weyn in wax loo aayo ay ka soo baxaan."

C/nuur Sahal oo ah Afhayeenka gudigii soo abaabulay xafladan ayaa dhankiisa tilmaamay 3 qodob oo la isla gartay taas oo kala ah" In Odayaasha Guurtida ee gobolladaasi aysan dhabarka isku duwan isla markaana ka faaiidaysantaan fursada ay haystaan oo ah shirka ka soconaya Cadaado in ay isku fahmaan kana fakaraan aayaha jiilasha ka danbeeya, in Xubanaha Baarlamanka ee ka so jeeda goboladaas ay odayaasha iyo dhinacyada shirka kala shaqeyaan sidii is fahan loogu dhamayn lahaa guulaha la sugayo, iyo in la dhiso dowlad goboleed dhamaystiran oo madaxweyne iyo Baarlaman leh"

Guddoomiyaha jaaliyada Soomaalida Ohio Xasan Cali Cumar oo xaflada ka hadlay ayaa hoga tusaaleeyay in gobolada dhexe ay la midyihiin xudunta qofka aadanaha ah ku taala hadii xuduntu bokootana uusan qofku nolaan karin, taa badalkeeda gobolada Dhexe waa xuduntii dalka ayuu yiri ee yaan la halayn ee horseed u noqda nabada.

Suldaan Fiqi oo ka mid ah salaadinta Soomaaliyeed ayaa amaanay doorka dowladu ku leedahay dhismaha maamulada dalka ka jira isaga oo dhanka kale yiri " Doorka dowlada soomaaliya waa mid muuqda howl wanaagsana waa ay qabteen, dowladu waa in ay gobolada ay tagayaan maamuladana u dhisayaan ogaadaan in ay kala duwanyihiin caqabado badana uga imanayaa isla markaana looga fadhiyo in ay u wajahan sida deegaanadu u kala duwanyihiin, si loo helo dad ku faraxsan maamulka loo samaynayo"

Nabaddoon Sheekeeye ayaa xusay sida lagama maarman u tahay in hadii wax la dhisayo la is qilaafo oo la murmo kadibna xal la gaaro, taas oo uu ku tilmaamay horumar mar hadii la wada hadalay, isaga oo ka hadlayay shirka cadaado waxa u yiri " Waxan so dhaweynaynaa horumarka uu shirku ku tilaabsanayo iyada oo ay na soo gaartay in xal laga gaaray tabashooyinkii jiray oo iminka si wada jir ah dadku wax u wataan"

Nabaddoon Muuse Farayare ayaa ka sheekeeyay marxaladihii ay goboladaasi soo mareen iyo sida loogu bahanyahay in dadka ku nool ay helaan nabad la mid ah mida deegaanada kale ee Soomaaliya ay haystaan.

Jaamac Ciise Bariir ayaa xusay in looga bahan yahay in Dowladda Federaalka Somalia ay dadka deegaamadaasi u madax banayso in ay iyagu is turxaan bixiyaan, kana caawiso wixii jasiilaad ay u bahanayihiin, isaga oo dhanka kale ugu baaqay dadka deeganka in ay guntiga dhiisha isaga dhigaan sidii ay midnimo wax ugu dhisi lahayeen.

Sidoo kale, wuxuu Jamac Cambaareeyay weerar dad lagu laayay oo dhawaanka dhacay gobolada Galgaduud xili ciidamo ka socoda itoobiya ay weerareen Somali xolodhaqataa.

Dadkii ka hadlay xaflada oo aad u badnaa halkana anaan ku soo koobi karin ayaa si wada jir ah uga sinaa sida dadka deegaamada Gobolada dhexe ay yihiin dad u ooman Midnimo iyo Maamul taasina ay ku imaankarto iyaga oo is aamina isla markaana Garwaaqsada in xiligan ay u bahanyiniin maamul wax ka qabta baahida aasaasiga ah ee bulshada.

Fanaanka caankaa ee Miiraale iyo Jubba yare ayaa dadka ku madadaalinayay Heeso wadani iyo ciyaaro dhaqameed isugu jira. Iyadoo xafladu kusoo idlaatay Jawi aad u xiiso badan.



Conatct@afkashacabka.com