Wasiirka Warfaafinta Jabuuti oo Kulan la Qaatay Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti

0
Tuesday June 02, 2015 - 17:08:09 in by Burco Office
  • Visits: 605
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinta Jabuuti oo Kulan la Qaatay Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti

    Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Boosaha Jabuuti Cali Xasan Bahdoon ayaa sheegay in xidhiidhka u dhexeeya dalkiisa iyo Somaliland sidii hore ka xooggan yahay. Cali Xasan oo kulan kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Maxame

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Boosaha Jabuuti Cali Xasan Bahdoon ayaa sheegay in xidhiidhka u dhexeeya dalkiisa iyo Somaliland sidii hore ka xooggan yahay. Cali Xasan oo kulan kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Maxamed Cali Warsame, ayaa sheegay inay ka wada hadleen xidhiidhka ganacsi iyo iskaashiga ay labada waddan wadaagaan.


Wasiirka iyo SafiirkaKulanka dhexmaray wasiirka Jabuuti iyo safiirka Somaliland u qaabilsan ayaa la sheegay inay isku weydaarsadeen iskaashiga u dhexeeya iyo xidhiidhka qotada-dheer ee labada shacab, sida aanu ka soo xigannay Wargeyska Lanation ee dalka Jabuuti.

Wasiirka Boosaha Jabuuti Mr. Cali Xassan Bahdon oo ka hadlayey xidhiidhka labada waddan, waxa uu yidhi, ”Maanta sidii shalay, ayey dalkayaga iyo Somaliland yihiin, sababtoo ah xidhiidhka qotada-dheer ee u dhexeeya labada shacab ayaa ah mid ka adag sidii hore,” ayuu yidhi Wasiirka Boosaha Jabuuti.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, ayaa isaguna yidhi, "Labada shacab waxay wadaagaan xidhiidh dhaqan, waxaanay ku xidhan tahay innaga (siyaasiyiinta) inaan xoojino iskaashigeena si uu u sii adkaado,” ayuu sheegay Mr. Maxamed Cali Warsame, safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Jabuuti Maxamed Cali Warsame oo dhowaan xilkaa loo magacaabay la yeesho masuuliyiinta Jabuuti.



Contact@afkashacabka.com