Guddiga Musuq-maasuqa dalka Nigeria oo xidhay shaqaale Bangi oo lagu Helay Musuq Maasuq

0
Tuesday June 02, 2015 - 17:44:48 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Musuq-maasuqa dalka Nigeria oo xidhay shaqaale Bangi oo lagu Helay Musuq Maasuq

    Dowladda Nigeria ayaa Xabsiga dhigtay Qaar ka mid ah shaqaalaha Bangiyada dalkeeda, kuwaasoo lagu helay inay lacago badan xadeenlacago aad u badan Bangiyada dalkaas, iyagoo sanaadiiqda bangiyada ka buuxiyay lacago been-abuur ah oo ay ka sameeyeen war

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Nigeria ayaa Xabsiga dhigtay Qaar ka mid ah shaqaalaha Bangiyada dalkeeda, kuwaasoo lagu helay inay lacago badan xadeenlacago aad u badan Bangiyada dalkaas, iyagoo sanaadiiqda bangiyada ka buuxiyay lacago been-abuur ah oo ay ka sameeyeen warqadaha Jaraa'iddada.


Shaqaalahan la Xir-xiray ee Bangiyada ka Shaqaynayey ayaa Waxaa lagu helay in ay jar-jareen waraaqaha wargeysyada dalkaas qaarkood iyagoo u ekeysiiyay lacag, kaddibna ka buuxiyay sanaduuq lacagaha lagu keedinayay.

Waxaa kaloo lagu helay shaqaalaha inay xadeen lacag gaaraysa dhowr kun oo kiilo oo ah lacagta NIERA ee Dalkaas laga Isitmcaalo, iyagoo ku bedelay Waraaqihii ay u ekeysiiyeen lacagta. .

Guddiga ka hor-tagga Musuq-maasuqa dalka Nigeria ayaa xabsiga u Taxaabay lix mas’uul oo ka tirsan Bangiga EFCC waxaa kaloo ay xireen 16 shaqaale ah oo iyana ka shaqeenayay Bangiyada gaarka loo leeyahay ee Dalkaas.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo Madaxweynaha cusub ee Nigeria, Mahamadou Buhari uu Xafladdii Dhaarintiisa ka sheegay in La-dagaallanka Musq-maasuqa uu mudnaanta ugu horreysa siin doono.

Shaqalahan Bangiyada ka shaqeynayay ayaa la xiray Toddobaadkii hore inta aan la dhaarin madaxweynaha cusub, mana ahan Taallaabo uu isagu Qaaday, balse Waxay Sharaf u tahay guddida la-dagaalanka Musuq-maasuqa dalka Nigeria.

Ugu dambeyn, Bangiga dhexe ee Nigeria ayaa xusay inay arkeen khaladkan kaddib markii ay sameeyeen xisaabi-xil-ma-leh, ayna warbixin u gudbiyeen Hanti-dhawrka Qaranka; taas oo sabab u ahayd in la xiro shaqaalahan.

Contact@afkashacabka.com