Nuxurka Kulan Dhex maray Wasiirka Arrimaha Debedda JSL Iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika

0
Saturday June 06, 2015 - 10:10:36 in by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Kulan Dhex maray Wasiirka Arrimaha Debedda JSL Iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika

    Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo ka qaybgalay shirkii lagaga hadlayay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo ka qaybgalay shirkii lagaga hadlayay...

 dhaqaalaha qaaradda Afrika (World Economic Forum on Africa) oo muddo seddex maalmood ah ka socday magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, ayaa la kulmay Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma oo dalkiisu martigeliyay shirkaas.

Wasiirka iyo Madaxweyne Jacob Zuma waxay si kooban u wadaageen hadal kadib markii Ajandaha lagaga hadlayay aragtiyaha ku aadan kaabayaasha Afrika ee mustaqbalka la soo xidhay.

Waxa kale oo Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Maxamed Biixi Yoonis ka qaybqaatay Ajandaha lagaga hadlayay nabadgelyada Afrika iyo Ajandeyaal kale oo dhammaantood khuseeyay arrimaha Afrika ee dhinacyada dhaqaalaha, caqabadaha ka jira xagga wax soo saarka warshadaha, diyaarinta hoggaamiyayaasha waajahaya carqalabadda nabadgelyada mustaqbalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland dhinicisa wuxuu aad uga hadlay heerarka sarreeya ee shaqo nabadgelyada ka jirta mujtamaca dhalinyarada ah ee qaarada Afrika iyo fursadaha xadidan ee horumarinta xirfadaha iyo shaqada oo uu ku tilmaamay inay caqabad ku noqonayaan xasiloonida, waxanu soo jeediyay talooyin tiro badan oo dhibaatooyinkan xal u noqon kara sida siyaasado waafi ah oo dawladuhu ka yeeshaan xagga waxka qabashada sinnaan la’aanta, horumarinta waxbarashada xirfadaha iyo dhiirrigelinta maalgashiga dibadeed ee tooska ah.

Waxa ka mid ah masuuliyiinta ay Wasiirka ka wada qaybqaateen doodaha kala duwan ee ajandayaashan sare masuuliyiin xilal sare haya oo metelyay wadamada South Afrika, Malawi, Canada, Uganda, Uk iyo dhinacyo kale

Biixi iyo Jacum Suma

Sidoo kale, Wasiirku wuxu waraysi faahfaahsan siiyay Warbaahinta Caalamiga ah ee CNBC kaasoo uu kaga hadlay hadlay nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland ku naaloonayso, sida ay hawlbawle ugu tahay nabadda iyo xasiloonida gobolka iyo qaaradaba iyo weliba iyo qorshayaasha mudnaanta leh ee dalka dhinacyada horumarka iyo siyaasadaba oo uu su’aale badan kaga jawaabtay