Tevez vs Mascherano, Messi vs Bonucci & Shan Meelood Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Barcelona & Juventus Kulanka Caawa

0
Saturday June 06, 2015 - 11:16:09 in by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tevez vs Mascherano, Messi vs Bonucci & Shan Meelood Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Barcelona & Juventus Kulanka Caawa

    Burco(AFKA)Indhaha kubada cagta caalamka caawa waxey kusii jedaan magaalada Berlin ee dalka Jarmalka taasoo markii ugu horeysay martigalineysa koobka Champions League-ga finalkiisa. kooxaha Barcelona iyo Juventus ayaana ku kulmay markii ugu horeysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA)Indhaha kubada cagta caalamka caawa waxey kusii jedaan magaalada Berlin ee dalka Jarmalka taasoo markii ugu horeysay martigalineysa koobka Champions League-ga finalkiisa. kooxaha Barcelona iyo Juventus ayaana ku kulmay markii ugu horeysay kama dambeysta tartankaan inkastoo aysan aheyn markii ugu horeysay oo ay gabi ahaan tarankaan isku arkaan.


Hadaba waxaan soo calaameyneynaa shan meelood oo ay ku kala badin karaan labadaan kooxood iyadoo la sameynayo ciyaartoyda iska hor imaaneysa ama kuwa isku booska ah ee kulankaan ka qeyb galaya.

Lionel Messi vs. Leonardo Bonucci

Mucjisada kubada cagta Argentina ayaa caawa wajahaya daafaca dhexe Juve Leanardo Bonucci waana sanad aad loo amaanay xidigaan madama uu sameeyay waxqabad layaab leh isagoo caawinaad ka helaya wiilasha reer Latin ee Suarez iyo Neymar. Messi 58-gool ayuu dhaliyay 56-kulan oo uu saftay xagaagan waana caqabada ugu weyn ee ay la kulmi karto Juventus. lamaankiisii Chiellini wuu dhaawac ayuu ku maqan yahay waana mid ka mid ah halisaha ugu weyn ee ay Juve ku weyn karto koobka hadii Messi uu ka gudbo Bonucci iyo Buffon oo goolka ku jira.

Javier Mascherano vs Carlos Tevez

Waa wiilal reer Argentina ah sidoo kalana hal mar qaarada yurub soo wada galay iyagoo 2006 si wadajir ah ugu biiray West Ham balse caawa wey kala soo horjeedan sidoo kalana waa xidigo isku beegan. Tevez waa gooldhaliyaha ugu sareeya Juve sidoo kalana waa xidiga ugu awooda badan kooxda reer talyaani. Mascherano waa udub dhexaadka dambe ee Barcelona waana xidiga leh awooda ugu badan ee kooxda badbaadinteeda sheeko xun ayaana dhexmari doona labadan xidig inkastoo ay ku xiran tahay hadba sidii ay labada kooxood u ciyaaraan kubada.

Dani Alves vs Patrice Evra

Daafaca reer Brazil waa wiil shaqo badan oo runtii weerar tag ah waxana uu iska caabin ka heli doonaa Evra oo isna ah daafac sidiisa oo kale weerar gala inkastoo ay saameyn karto ciyaarta. Evra waa 34-jir halka Alves uu yahay 31-jir, labadaan kooxood guul iyo guuldaro soo gaartay kooxahooda wey ka qeyb qaadan karaan.

Ivan Rakitic vs Paul Pogba

Inkastoo uu xagaagii ugu horeeyay kooxda la dhameysanayo hadana si wacan ayuu doorka Enrique u fahmay waana mid ka mid ah halbowlaha kooxda ka dhisan Camp Nou balse wuxuu dagaal kala kulmi doonaa Paul Pogba oo ka mid ah wiilasha dhexe ee Juve kaas oo doonaya inuu koobka la qaado kooxdiisa, sidoo kalana Rakitic ayaa isna doonaya inuu laba sano oo xiriir ah isku qaado Europa League iyo Champions League. labadaan xidig door fiican ayey ciyaarta ka ciyaari karaan.

Andres Iniesta vs Andrea Pirlo

Iniesta ayaa ah hogaamiyaha Barcelona ee caawa waxaana ka hor imanaya Andrea Pirlo oo isna ka tirsan halyeeyada kubada cagta lagu qadariyo walow ay labada xidig boosas kala ceyn ah ka ciyaaran hadana kulankaan waa u muhiim waaya aragnimadooda. Pirlo wuxuu doonaya inuu qaado Champions League-gii sadexaad ee taariikhdiisa isagoo laba jeer Milan lasoo qaaday halka Iniesta uu doonayo inuu markii afaraad qaado isagoo intaba Barcelona kula guuleysanaya.




Contact@afkashacabka.com