Warkii Ugu Dambeeyye Ee Suuqa Kala Iibsiga Ee Kooxda Chelsea+Falcao Oo Imanaya Goor Dhaw

0
Saturday June 06, 2015 - 11:22:03 in by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warkii Ugu Dambeeyye Ee Suuqa Kala Iibsiga Ee Kooxda Chelsea+Falcao Oo Imanaya Goor Dhaw

    Starsports ayaa soo Koobay wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay warbaahinta caalamka ka qortay Chelsea.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Starsports ayaa soo Koobay wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay warbaahinta caalamka ka qortay Chelsea.


SADEX XIDIG OO LAGA DIRAYO BLUES

Chelsea ayaa diyaarineysa iney Stamford Bridge ka ceyriso sadex xidig oo ku fashilmay iney kooxda waxqabad kusoo kordhiyaan.

Saxiixa cusub ee kooxda Juan Cuadrado ayaa hogaaminaya sadexdaan xidig waxaana kusoo xiga Mohamed Salah iyo da’yarka amaahda uga maqnaa xagaagii dhamaaday ee Patrick Bamford.

Sunderland ayaa dooneysa Patrick Bamford, halka Salah iyo Cuadrado ay wada doonayaan kooxaha isku magaalada ah ee Inter iyo Ac Milan.

RADAMEL FALCAO

Sida ay qortay Daily Express kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa kusii dhawaneysa iney la saxiixato Falcao oo xili ciyaareed fashilmay la qaatay Manchester United.

Sida warbixinta lagu qoray Falcao wuxuu Blues kusoo biiri doonaa ka hor Copa America waxaana kaliya ka haray inuu bilowdo 8-maalmood.

Ismaan dhaaf yar ayaa ka jira heshiiskiisa, balse wakiilkiisa Jorge Mendes ayaa aad ugu dhaw Chelsea isagaana wax walba fududeyn doona.

ANDY ROBERTSON

Chelsea waxey ku biirtay loolanka loogu jiro daafaca bidix ee kooxda Hull City Andy Robertson waxaana kula tartami doona kooxaha Arsenal iyo Aston Villa.

Steve Bruce oo tababare u ah kooxda heerka labaad u laabatay ee Hull ayaana xidigaan duldhigay madaxiisa aduun dhan 30 Malyan Oo Pound.






Contact@afkashacabka.com