Warbixin:Wax Badan Ka Ogaw Kooxaha Isagu Soo Hadhay Finalka Champions League Ee Juve & Barca.

0
Saturday June 06, 2015 - 11:28:18 in by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin:Wax Badan Ka Ogaw Kooxaha Isagu Soo Hadhay Finalka Champions League Ee Juve & Barca.

    Juventus iyo Barcelona ayaa caawa isku arkaya finalka Champions League, waxaana eegi doonaa xaqiiqooyin aad u baahan tahay inaad ka ogaato labada kooxood ee isku arkaya caawa garoonka Olympic Stadium ee magaalada Berlin:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Juventus iyo Barcelona ayaa caawa isku arkaya finalka Champions League, waxaana eegi doonaa xaqiiqooyin aad u baahan tahay inaad ka ogaato labada kooxood ee isku arkaya caawa garoonka Olympic Stadium ee magaalada Berlin:


Juventus waxa ay wajihi doontaa FC Barcelona markii sagaalaad tartamada Yurub, laakiin waa markii ugu horeysay oo ay isku arkaan final.

Juve ayaa badisay afar ka mid ah sideedii kulan ee ay la kulmeen Barcelona, halka Barcelona ay badisay kaliya labo kulan, labada kulan kale waxa ay ku dhameysteen barbaro.

Juventus lagama badinin seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay la kulmeen Barcelona, labo guul iyo barbaro ayayna ka gaareen, markii ugu danbeysay ee ay guuldarro ka soo gaartay Barcelona waxa ay aheyd xilli ciyaareedkii 1990-91 markaasoo ay isku arkeen semi-finalka Cup Winners Cup oo ay Barca ku badisay 3-1.

Juventus ayaa markii 15aad ka soo muuqan doonta finalka tartamada Europe oo dhan marka laga reebo European Super Cup. Kaliya Real Madrid (17) iyo FC Barcelona (18, marka lagu darro finalka sannadkan) ayaa gaaray finalo ka badan tartamada Yurub oo dhan.

Patrice Evra ayaa ciyaari doona finalkiisii shanaad ee Champions League isagoo barbareeyay Clarence Seedorf iyo Edwin van der Sar. Kaliya Paolo Maldini ayaa ka soo muuqday finaladii ugu badnaa waa lix final.

Lionel Messi, Xavi, Andrés Iniesta iyo Gerard Piqué ayaa kula biiri karaClarence Seedorf rikoorka guulaha ugu badan ee koobka Champions League ee min afar jeer.

MSN waxa dhaliyeen 25 ka mid ah 28kii gool ee ay Barcelona ka dhaliyay Champions League xilli ciyaareedkan: Messi 10, Neymar 9, Suarez 6.