Daawo: Dufcaddii ugu Horeysay ee ka Qalinjebisay Dugsigii Ugu Horeeyay Ee Arimaha Qoyska Lagu Baranayo Oo Hargeysa Laga Hirgaliyay

0
Sunday June 07, 2015 - 08:46:50 in by salman abdi
  • Visits: 969
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Dufcaddii ugu Horeysay ee ka Qalinjebisay Dugsigii Ugu Horeeyay Ee Arimaha Qoyska Lagu Baranayo Oo Hargeysa Laga Hirgaliyay

    Maamulka Dugsiga Qoys-Kaab oo ah kii ugu horeeyay ee laga hirgaliyay Somaliland iyo geeska Afrika isla markaana lagu barto arimaha qoyska ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay dufcadii koowaad ee ka qalinjabisa dugsigaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Dugsiga Qoys-Kaab oo ah kii ugu horeeyay ee laga hirgaliyay Somaliland iyo geeska Afrika isla markaana lagu barto arimaha qoyska ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay dufcadii koowaad ee ka qalinjabisa dugsigaasi.

Munaasibad bilan oo ka dhacday magaalada Hargaysa kana soo qayb galeen Wasiirka qorshaynta qaranka,Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna xisbiga WADDANI.Agaasimaha wasaaradda kaluumaysiga,Qoraa Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe) iyo marti sharaf tiro badan ayaa lagag hadlay dugsigan iyo mihiimadda uu u leeyahay dhalinyarada Somaliland ee aan wali guursan,sababaha keena qoys burburka iyo in xal loo helo dhibaatooyinka qoys ee ka dhexjira bulshada Somaliland.

Dugsigan oo ay fikirka aasaaska lahayd Nadda Yuusuf Cumar oo hore u qortay buug ka hadlay arimaha qoyska oo lagu magacaabo BEERTA QOYSKA ayaa ka hadashay sababihi ku dhaliyay inay hindisto dugsi lagu barto arimaha qoyska "in badan ayaan ka ooyay ka murugooday caruurta waddooyinka taagan,caruurta xabagta cabaysa,caruurta dooxyada joogta iyo caruurta jeelasha ku jirta,waxaasi oo dhammi waxa ay noqdee kuwo qalbigayga ku beera naxdin iyo murugo,waxa aan is waydiiyay tolow caruurtu haddii ay jeelasha wada galaan yaa dalka xukumi doona,tolow haddii caruurtu sidan noqoto ayaa mustaqbalka dalkan u hadhi doono,waxa kale oo aan is waydiiyay tolow caruurtan maxaa dhibta ugu wacan maxaa jeelka loo geeyaa.

Markii aan xog ururin badan sameeyay waxa aan ogaaday inay tahay waalidood oo kala tagay,aabohood iyo hooyadood oo aan wada joogin iyo qoyskoodii oo burburay taasina sababtay inay dooxyada tagaan,waxa aan is waydiiyay ma caruurta ayaa la tarbiyadeeyaa mise hooyadood iyo aabohood ayaa la isku celiyaa.

Waxa aan ku fikiray intii caruurta loo jeedsan lahaa in l sameeyo iskuul lagu tuso qumanaanta,farxada iyo qiimaha uu leeyahay qoyska muslimka ah iyo diinta islaamka heerka uu ka joogo,intaanan iskuulka samaynin dalkeena ma jiro wax manhaj ah oo lagag hadlo arimaha qoyska,waxa aan ka fikiray inaan sameeyo Buug,bishii 8aad 2014 ayaan Emperial kaga dhawaaqay inaan qori doono buug ka hadlaya arimaha qoyska.

Dugsiga oo aan magac lahayn ayaan kala tashaday wixii loo bixin lahaa Abwaano badan iyo qoraayo,waxana magaca Qoys-kaab bixiyay Qoraa Cabdiraxman Yuusuf Ducaale(Boobe) "Nada Yuusuf Cumar.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale ,waxaanu sheegay inay Nabad Yuusuf Cumar in la is garab taago mudan tahay "waa masuuliyad ina wada saaran,umaduna umad noqon mayso mujtamucuna mujtamac noqon mayo haddii aynan qoys ka soo bilaabin ,Nabad waan hambalyaynaa iyo inta la hawl gashayba,dhiiranan ayaa ku jirta,waxa ay u baahan tahay in la garab galo,waxaynu u baahanay haddii aynu doonayno inaynu umad noqono unugu waa qoyskee in qoyska laga soo bilaabo.

Nabad Yuusuf Cumar waxa aynu kula talinaynaa in iskuulka lagu daro qayb diwaangalisa dhacdooyinka,si looga tusaale qaato dhacdooyinka maalin walba dhacaya ee bulshada ka dhex dhacaya”Boobe Yuusuf Ducaale

Canab Cumar Ileeye oo ka tirsan macalimiinta iskuulkan Qoyskaab ayaa ka hadashay iyadoo sheegtay inay ardayda uga faaidayso waayo aragimada dhaqan ee bulshada Somaliland ay u leedahay.

"qoys kaab waa magac qiimo leh,haddii dib loo raacana waa wax waligiiba jiri jiray,wallow aan kulan la iskugu iman jirin ,wixii aan ku kordhin karayo hooyo ahaan iyo dhaqan ahaan gabdha ayaan ku kordhiya,arinta koowaad waa jaranjarada loo marayo haasaawaha toolmoon,toobiyaha guusha iyo jidgooyada khasaaraha,hooyada iyo aabahaba in badan ayaanu kaalintoodii tabaynaa ,inkastoo dhalinyaraduna wax kale hiigsanayaa,dhalinyaradu waxa ay tabayaan kaalintii wax sheegista ee waalidka”Canab Cumar Ileeye oo ah Abwaannad Reer Jabouti ah kuna sugan magaalada Hargaysa.

Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland MD Sacad Cali Shire oo goobtaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in qoysku yahay hooyada iyo aabaha oo si wanaagsan u tarbiyadeeya caruurta.

"qoysku waa aabaha iyo hooyada oo waajibkooda garta,caruurta waxa saameeya la hadal la’aanta cayda ,dilista ,waxaan aad ugu mahadnaqayaa maamulka Dugsigan Qoys-kaab oo inoo soo kordhiyay wax aad u wanaagsan ,waxa kale oo aan halkan hambalyo uga soo jeedinayaa hablaha dhammaystay qoyskaab.

Qoysku waa unuga dhismaha bulshada,bulshaduna waxa ay ka kooban tahay qoysas waddaag ah ,qoysku waxa uu ka bilaabmaa Aabe iyo Hooyo,waxana ku soo biira caruur,haddii qof cimrigiisa la qiyaaso isku celcelin waxa laga yaabaa in %60 uu qofku ku jiro xayndaabka qoyska,ilmuhu marka uu qoyska ku soo biro af lama dhasho,Qoysku waa halka ilmaha loogu bilaabo anshaxa iyo wanaaga,macalimiintu waa hooyada iyo aabaha .

Shanta sanno ee ugu horeeya qofka da’diisa waa shanta sanno ee ugu mihiimsan noloshiisa waayo waxa uu noqonayaa uun shantaasi sanno sida uu noqonayo”Wasiirka qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire.

Munaasibadan ayaa waxa gabagabadiina shahaadoyin lagu guddoonsiiyay shan iyo labaatan gabdhood oo dhammaystay arimaha qoyska iyo anshaxa wanaagsan ee la dhaqanka lamaanaha.