Sirdoonka Somaliland oo ka Hadlay Heshiisyo la sheegay inay la galeen Dawladda Imaaraatka

0
Sunday June 07, 2015 - 09:42:13 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirdoonka Somaliland oo ka Hadlay Heshiisyo la sheegay inay la galeen Dawladda Imaaraatka

    Ciidamada Sirdoonka Somaliland, ayaa ka hadlay war maanta ku soo baxay isla-markaana ay daabaceenWarbaahin uu Wargeyska Somalilandtoday ka mid yahay, kaasi oo sheegayay inay heshiis ammaan kala saxeexdeen dawladda Imaaraadka Carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Sirdoonka Somaliland, ayaa ka hadlay war maanta ku soo baxay isla-markaana ay daabaceenWarbaahin uu Wargeyska Somalilandtoday ka mid yahay, kaasi oo sheegayay inay heshiis ammaan kala saxeexdeen dawladda Imaaraadka Carabta.

Warkaasi oo Wargeysku Ciwaan uga dhigay "Sirdoonka Somaliland Oo Heshiis La Galay Dawladda Imaaraadka Carabta Iyo Ujeeddada Laga Leeyahayā€¯ ayaa Wargeysku daabacay isaga oo soo xiganaya ilo-wareedyo xogtoodu ku arooreysay arrintaasi, kuwaasi oo sheegay in Sirdoonka Qaranka uu la saxeexday dawladda Imaaraadka heshiis dhigaya in Sirdoonka Somaliland oo adeegsanaya laamaha ammaanku ay ka hor-tagaan dagaalyahannada Xuutiyiinta ee ka soo cararaya duqeymaha Yemen inay soo galaan gudaha Somaliland iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika iyo inay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqyada badda cas, gaar ahaan shirqoollada xuutiyiintu u dhigi karaan Maraakiibta ganacsiga ee iskaga goosha Imaaraadka iyo dalalka ay ka mid yihiin Somaliland iyo Soomaaliya iyo weliba in sirdoonku ka shaqeeyo la socodka dadka qoxootiga ah ee ka soo qaxaya Yemen isla-markaana ka soo degaya dekedda Berbera, maadaama oo ay ku soo dhex dhuuman karaan xuutiyiinta iyo kooxaha kale ee Argagixisada ahi.

Laakiin, saraakiisha sar sare ee ciidamada war-doonka ee Somaliland oo xidhiidh la soo sameeyay Wargeyska Somalilandtoday ayaa beeniyey jiritaanka heshiiskaasi, waxayna ku doodeen in xogaha wargeysku u tabiyey bulshadu aanay ilaa hadda jirin.

Wargeyska Somalilandtoday ayaa Warka maanta ku soo baxay ku sheegay in heshiiskaasi ka dhacay Magaalada Dubai, hasa-ahaatee saraakiisha Sirdoonka Qaranka ayaa meesha ka saarey in heshiis wada shaqeyneedi ka dhexeeyo dawladda Imaaraadka. Waxayna tilmaameen in Madaxda Sirdoonku aanay muddo sanad ku dhow u safrin Magaalada Dubai.


Saraakiishan oo soo xiganaya warka wargeysku daabacay oo sheegayey in goobta heshiisku ka dhacay uu ku sugnaa taliyaha Sirdoonka Soomaaliya, ayaa waxay tilmaameen inaanu xidhiidh toos ahi dhex marin laanta Sirdoonka Soomaaliya, marka laga yimaaddo xidhiidhada ku saabsan dhanka ammaanka Mandaqadda, gaar ahaan wixii mushkilad ku soo fool leh labada dal oo hadba kooda xogteeda helaa la wadaago ka kale.