Amiirka Imaaraadka Carabta Xukuma Sheekh Maxamed bin Zayed al-Nahyan Oo Qaabiley Madaxwaynaha S/Land

0
Tuesday June 09, 2015 - 08:34:33 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amiirka Imaaraadka Carabta Xukuma Sheekh Maxamed bin Zayed al-Nahyan Oo Qaabiley Madaxwaynaha S/Land

    Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaany), Madaxwaynaha Somaliland oo maalintii labaad ku sugan dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta, ayaa isaga iyo weftigiisu waxay maanta la kulmeen Amiirka dalkaasi, Sheekh Maxamed bin Zayed al-Nahyan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaany), Madaxwaynaha Somaliland oo maalintii labaad ku sugan dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta, ayaa isaga iyo weftigiisu waxay maanta la kulmeen Amiirka dalkaasi, Sheekh Maxamed bin Zayed al-Nahyan.


Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa oo marti-qaad rasmi ah ku tagey Magaalada Dubai ee ayaa waxay qasriga dalkaasi looga arrimiyo ku qaabiley Sheekh Maxamed bin Zayed al-Nahyan.

Xukuumadda Somaliland weli wax war ah kama soo saarin kulanka dhex maray Madaxwaynaha Somaliland iyo hoggaamiyaha Imaaraadka, laakiin kulankaasi ayaa sida Wargeyska Somalilandtoday loo sheegay qaatey muddo saacado ah, waxaana lagaga wada hadlay xidhiidhka labada dal u dhexeeya.

Madaxwaynaha Somaliland iyo weftigiisa ayaa ujeeddada safarkooda Imaaraadka hore ugu sheegay inuu ku saabsan yahay dardar-gelinta Mashaariicda horumarineed ee Imaaraadku ka wado Somaliland iyo weliba sidii loo sii kordhin lahaa. Hasa-ahaatee dawladda Imaaraadka Carabta ayaa daneynaysa xidhiidh diblumaasiyadeed oo ay la yeelato Somaliland, ka dib dagaallada ka socda Yemen oo wax ka beddelay hanaankii siyaasadeed ee dawladaha Carabta oo Imaaraadku ka mid yahay.


Somaliland ayaa juquraafi ahaan ku taalla meel istaraatiji ah oo dalalka bariga dhexe iyo Caalamka intiisa kaleba danaynayaan isla-markaana isha ku hayaan. 



Contact@afkashacabka.com