War Deg Deg Ah:Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Qaar ka mid ah Xilalkii loo kala Bedelay

0
Tuesday June 09, 2015 - 12:24:00 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Qaar ka mid ah Xilalkii loo kala Bedelay

    Duqa Magaalada Muqdisho ayaa is-bedel ku sameeyay Qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, iyadoo Tallaabadan ay Tahay tii ugu horreysay ee la isugu bedelo guddoomiyeyaal degmo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa is-bedel ku sameeyay Qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, iyadoo Tallaabadan ay Tahay tii ugu horreysay ee la isugu bedelo guddoomiyeyaal degmo.


Guddoomiyihii degmada Shingaani, Saciid C/qaadir Saciid ayaa xilkii laga qaaday, isagoo noqday mas’uulka keliya ee xilka laga qaaday, halka la isku bedelay Saddex Guddoomiye.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Shibis, C/fataax ayaa loo bedelay Degmada Kaaraan, halka Guddoomiyihii Degmada Kaaraan loo bedelay degmada Shingaani, waxaa kaloo isna Degmada Shibis loosoo bedelay Guddoomiyihii degmada Waabari.

Muun-gaab Guddoomiye cusub u magacaabay Degmada Waabari, waxaana wararka qaar sheegayaan inay jiraan Guddoomiyeyaal Degmo oo is bedelo lagu sameynayo, kuwana laga kala bedeli doono degmooyinka ay madaxda ka yihiin.

Illaa hadda lama oga sababta kusoo beegtay waqtigaan isku-shaandheyntan, iyadoo Duqa Muqdisho uu xilka hayo sanad iyo bilooyin. Dhowaan ayay aheyd markii Muungaab uu xilka ka qaaday Guddoomiyeyaashii Dharkeenley iyo Hodan.

- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2015/Jun/wararka_maanta9-91799.htm#sthash.Lv56BClQ.dpuf