xadhigii loo geytey warbaahinta kala ah HCTV, UNIVERSAL, HUBAAL, HAATUF intuba waxay ku xadgudbeen anshxii saxaafada dadka reer somaliland markhaati ayay ka yihiin.+Maqaal

0
Thursday April 10, 2014 - 11:50:30 in by
  • Visits: 1065
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    xadhigii loo geytey warbaahinta kala ah HCTV, UNIVERSAL, HUBAAL, HAATUF intuba waxay ku xadgudbeen anshxii saxaafada dadka reer somaliland markhaati ayay ka yihiin.+Maqaal

    Tan iyo mudadii ay jirtey Somaliland waxaa soo kobcayey saxaafada dalka oo la socota horumarka dalka somaliland qalinkii Pro:- Sacad Cabdi Cismaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo mudadii ay jirtey Somaliland waxaa soo kobcayey saxaafada dalka oo la socota horumarka dalka somaliland qalinkii Pro:- Sacad Cabdi Cismaan

, waxaa ku soo kordhay Telefishano, webside yo aan hore u jiri jirin laakiin ku yimi isbedelka tignoolajiga casriga ah ee caalamka oo somalilandna ay ka mid tahay wadamada saxaafadu ay sida xawliga ah u socoto.

Hadaba xoriyada warbaahineed ee ka jirta somaliland ,ayaa keentay in qofwaliba uu samaysto webside, joornaal ama TV iyadoo qofwaliba uu u samaysto ujeedo gaara ah.

Waxaan maalmahan ku arkayey webside yada maqaalo lagaga hadlayey saxaafada somaliland iyo xoriyatul qawlka.Anigu waxaan qabaa in warbaahinta dalka laga mamnuucay ee la xayiray ay yihiin kuwo iyagu ku xad gudbay waajibkii warbaahineed,waayo maaha in sida Yuusuf cabdi gaboobe loo furto wargeys in dadka lagu ceebeeyo ama loogu baadho sida qoriga.

waynu ognahay inuu caadaystay daba galka madaxda qaranka isagoo isu muujinaya suxufi baadhitaan sameeyey iyo dabagal.Muu daba galo kufsigii uu u geystay gabadha yar mudo aan sidaa u fogeyn isagoo lacag badan ku bixiyey siduu u qarin lahaa fadeexadaas uu dhex muquurtay isagoo ah nin masuul ah reer iyo caruurna leh.

xadhigii loo geytey warbaahinta kala ah HCTV, UNIVERSAL, HUBAAL, HAATUF intuba waxay ku xadgudbeen anshxii saxaafada dadka reer somaliland markhaati ayay ka yihiin.

Hadaan tusaale u soo qaato HCTV isagoo isleh ku baadho xukuumada ayuu halis geliyey jiritaankii qaranka markuu ku celceliyey somaliland waxay u kala go ay sadex qaybood(beesha dhexe, khaatumo,Awdalstate) iyo riyaale oo leh madaxweyne waxaan kaaga tegey wadan iyo dad is haysta ee isku hay.

Univesal waxay ku xad gudubtay madaxweynaha oo ay ka dhigtay nin aan aduunba u war hayn, iyadoo u raacisay aargoosi wasiir cakuse oo ay ku sheegeen nin sakhraansanaa markii uu shilka galay.
Hubaal /Haatuf waxay caadaysteen afxumada iyo ceebaynta madaxda dalka iyagoo doonaya inay ku baadhaan xukuumada, hadaba shacbiweynaha reer somaliland oow miyaa dalka lagu eegaa sidaa mise ninkii denbi gala waajibkiisaa la mariyaa wa iga su aale?

waxaan ku taageersanahay xukuumadu inay warbaahinta dadka ka qabato haday soo dhaafaan xadkooda taas waxaa ku jira jiritaanka qaranka somaliland.

 

Pro:- Sacad Cabdi Cismaan

Sacad2010@gmail.com