Xisbiga UCID oo Beeniyey War ay warbaahintu ka Qortay Garowsadayna Inay Run ahayd Riwaayaddii Jawan iyo Sooran ka mataleen Warbaahinta

0
Tuesday June 09, 2015 - 12:44:09 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga UCID oo Beeniyey War ay warbaahintu ka Qortay Garowsadayna Inay Run ahayd Riwaayaddii Jawan iyo Sooran ka mataleen Warbaahinta

    Xoghayaha Warfaafinta Ucid Yuusuf Keyse Cabdillaahi, oo shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Xisbiga UCID ee Hargeysa, ayaa beeniyay in Jamaal Cali Xuseen ka tanaaulsay hankiisii musharaxnimo ee Xisbiga UCID

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Warfaafinta Ucid Yuusuf Keyse Cabdillaahi, oo shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Xisbiga UCID ee Hargeysa, ayaa beeniyay in Jamaal Cali Xuseen ka tanaaulsay hankiisii musharaxnimo ee Xisbiga UCID

 

Waxaanu shirkan Jaraa’id u qabanay arrin Shacbiga Somaliland iyo taageerayaasha UCID ba aad uga yaabisay, arrintaas oo ah War ku soo baxay wargeyska Foore caddadkiisa maanta oo bishu 8 tahay,warakaas oo ay ciwaan uga dhigeen ‘Xisbiga Ucid oo laga dhex wado dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo hor leh oo lagu soo dhawaynayo rag Miisaan ku leh Kulmiye, iskana dhex sharaxaya UCID.” ayuu yidhi Yuusuf Kayse

Haddaba waxaanu shacabka Somaliland iyo taageerayaasha Ucid ba u caddaynaynaa in warkaasi yahay war been abuur ah, meel laga keenay iyo meel laga soo xigtayna aanu lahayn, waxaanu leenahay waa jaah wareer siyaasadeed oo la galinayo Xisbiga UCID.”

 

Xoghayaha Warfaafinta Ucid waxa uu intaasi raaciyay in Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen yahay Musharaxa Ucid, sharciga Ucid na ahayn mid hadal lagu bedelo "waxaanu leenahay waa war looga dan leeyahay in Masuuliyiinta Xisbiga la isku dhufto, laguna jaah wareeriyo taageerayaasha UCID”. ayuu yidhi Mr Yuusuf Keyse.