Daawo:Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Guddomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Ayaa Kulan La Qaatay Gancsatda Gobolka Togdheer Si Sixir Barara Hoo Lagu Dhigo

0
Tuesday June 09, 2015 - 15:56:17 in by Burco Office
  • Visits: 645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Guddomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Ayaa Kulan La Qaatay Gancsatda Gobolka Togdheer Si Sixir Barara Hoo Lagu Dhigo

    Burco(AFKA)Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wasiirudawlaha Waxbarashada iyo Guddomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa saaka ka Bilaabay Gobolka Shirar iyo kulamo ay la yeelanayaan Ganacsatada, Maamulka Gobolka iyo Degmada iyo weliba Qaybaha kala duwa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA)Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wasiirudawlaha Waxbarashada iyo Guddomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa saaka ka Bilaabay Gobolka Shirar iyo kulamo ay la yeelanayaan Ganacsatada, Maamulka Gobolka iyo Degmada iyo weliba Qaybaha kala duwan ee Bulshada, kuwaaso ay kala hadlayeen ka qaybqaadashada olole lagula dagaalamayo sicir bararka isla markaasna hoos loogu dhigayo Sarrifkii Dollarka oo heerkii ugu sarreeyey gaadhay muddooyinkan ugu danbeeyey. Kulan Ballaadhan oo saka ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolk aTogdheer ayay ka hadleen Masuliyiintani, kuna shaaciyeen ujeedada kulamadan iyo socdaalkooda, iyagoo baaq u Diray Ganacsatada iyo Guud ahaanba Dadka Adeegyada kala duwan Bixiya eek u dhaqan Burco. Maamulka Gobolka iyo Degmada Burco ayaa iyaguna soo Dhoweeyey Socdaalka weftigan iyo kulankani lagaga tashanayo sicir bararka saamaynta xooggan ku yeeshay Bulshada Gobolka oo Danyar u badan. Qaar ka mida Ganacsatada iyo sariflayaasha Gobolka Togdheer ayaa si mug leh u taageeray soona dhoweeyey Go’aanka Dawladda iyo Baanka dhexe ee Dalka, iyago ka hadlay saamaynta uu ganacsigoodii ku yeeshay Kor u kacan ku yimi qiimihii Doolarku.



Burco/Office
Contact@afkashacabka,com