Daawo:Wakaalada Biyaha Burco Iyo Shirkadda Cocola Oo Dhagax Dhigay Qaybtii ugu Danbaysay Mashruucii Biyo Ballaadhinta Xaafadda Koosaar

0
Tuesday June 09, 2015 - 16:25:10 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Wakaalada Biyaha Burco Iyo Shirkadda Cocola Oo Dhagax Dhigay Qaybtii ugu Danbaysay Mashruucii Biyo Ballaadhinta Xaafadda Koosaar

    Mashruucii Biyo Ballaadhinta Gobolka Togdheer ayaa Maanta Qaybtii ugu Danbaysay laga Fuliyey Xaafadda Koosaar ee magaalada Burco, Mashruucan oo ay maalgelintiisa lahayd Shirkadda Cocola oo kaashanaysa Wakaaladda Biyaha Burco ayay Bilowgiisii ka qaybg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mashruucii Biyo Ballaadhinta Gobolka Togdheer ayaa Maanta Qaybtii ugu Danbaysay laga Fuliyey Xaafadda Koosaar ee magaalada Burco, Mashruucan oo ay maalgelintiisa lahayd Shirkadda Cocola oo kaashanaysa Wakaaladda Biyaha Burco ayay Bilowgiisii ka qaybgaleen Isuduwaha Wasaradda kHayraadka Biyaha Gobolka Togdheer, Maareyaha Wakaalada Biyaha Burco, Badhasabka Togdheer, kuxigenka Duqa Degmada Burco, iyo Xubno kale oo kamida Odayaasha Gobolka Togdheer. Maareeyaha Wakaladda Biyaha Burco iyo Maamulaha Shirkadda Cocola ee Burco ayaa ka warbixiyey Hirgelinta Mashruucan iyo baahida Xaafaddani u qabtay Biyo Macaan, waxayna Bulshada Xaafadda Koosaar ugu baaqeen inay ilaashadaan Biyahan Macan kana Faideystaan. Badhasabka Togdheer, kuxigenka Duqa Degmada Burco, Isuduwaha Wasaaradda Biyaha Gobolka Togdheer, Gudomiyaha XIsbiga kulmiye ee Gobolka, iyo Xubno ka mida Odayaasha Burco ayaa si weyn ugu Ammaanay Wakaaladda Biyaha Hirgelinta Mashruucan iyago maamulka Wakaaladda ku ammaanay waxqabadka ballaadhan iyo sida ay biyaha uga haqab tireen Gobolka Togdheer muddadii ay joogeen, sido kale waxay u duceeyeen shirkadda Cocola oo maalgelisay Mashruucan dhaqaale badana ku bixisay, iyago ganacsatada kalena ugu baaqay inay ku daydaan. Qaar kamida Dadweynaha Xaafaddaasi ayaa iyaguna si mug leh u soo dhoweeyey Biyo gelinta saaka looga sameeyeey xaafada oo baahida ugu weyn ee xaafaddaasi ahayd biyo la’aan.


Contac@afkashaacbka.com