"Filimaayo Inay Somalia Carqaladaynayso Heshiisyada Aanu Dal Ahaan U Galno Emaaradka"Wasiirka Madaxtooyada Somaliland,

0
Tuesday June 09, 2015 - 17:19:38 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Filimaayo Inay Somalia Carqaladaynayso Heshiisyada Aanu Dal Ahaan U Galno Emaaradka"Wasiirka Madaxtooyada Somaliland,

    Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in Xukumadda Somaliland doonayso inay iskaashi fiican la samayso Imaaraadka Carabta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in Xukumadda Somaliland doonayso inay iskaashi fiican la samayso Imaaraadka Carabta

 islamarkaana ka hesho caawimo dhaqaale iyo xidhiidh siyaasadeed. Wasiir Xirisi Cali Xaji Xasanoo isagoo jooga Imaaraadka ay waraysi la yeelatay ilaacadda VOA ayaa sheegay inay masuuliyiinta Imaaraadka kala xaajoonayaan sidii ay uga caawin lahayeen kaabayasha dhaqaale, oo ay kamid yihiin wadooyinka, ceelasha biyaha, madaarada dalka. Geesta kale Mud. Xirisi Cali Xaji Xasan wuxuu sheegay in aanay meesha ka madhnayn inay labada dhinac ka wada hadlaan maalgashiga dalka Somaliland, haday tahay Dekeda oo la balaadhiyo iyo arrimo kale.


Wasiirka oo la waydiiyay in heshiiska ay la galayaan dalka Imaaradka ay dhici karto inay Soomaaliya carqalad kala kulmaan maadaama oo aan la aqoon sanayn Somaliland, wuxuu sheegay inaanay filayn in Soomalia faraha la soo gasho xidhiidhka Dubai iyo Hargeysa. Waxa uu sheegay in Somaliland tahay waddan la garanayo, sidoo kalena heshiiskii Jabuuti ee Somaliland iyo Somalia la isku afgartay inaan la carqaladayn mucaawinada iyo arrimaha Ganacsiga.

Wasiir Xirsi oo la waydiiyay inuu meel maray heshiiskii saddexda Xisbi qaran iyo xukumadda ee guurtidu diiday ayaa sheegay in heshiiska guurtidu yahay mid sharci ah oo aan muran ka taagnayn balse waxa lagu muran sanaa ahayd dheeraanta muddada, waxaanu sheegay in haatan arrintaasi la iskaga soo dhawaaday uuna ka filayo wanaag inay ku dhamaato.

Kulan dhex maray Madaxweyne Siilaanyo iyo Masuuliyiin Imaaraadka Ah
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan, oo ka mid ah weftiga Madaxweyne Siilaanyo ee ku sugan Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in kulan ay la qaateen Dhaxal sugaha Dalkaasi ay u gudbiyeen mashaariic horumarineed oo hor leh iyo hirgalinta kuwo hore.

Mudane Xirsi oo boggiisa Facebook ku baahiyay qoraal arrintan ku saabsan ayaa yidhi "kulankan oo uu Madaweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silanyo oo aan ku wehelinayno Xubno kamida golaha Wasiirada JSL uu nagu qaabilay dhaxal sugaha Imaaradka Carabta Mohammed bin Zayed bin Sultan Al Nahyan oo uu wehelinayo Ku xigeenka Ra’isal Wasaaraha dalka ahna Wasiirka a Wasaaradda Madaxtooyada Mansour bin Zayed bin Sultan bin Zayed bin Khalifa Al Nahyan”
Mudane Xirsi, waxa uu sheegay inay masuuliyiinta Imaaraadka kala hadleen dhamaystirka Mashaariic hore xukumaddu ugala xaajootay iyo kuwo hor leh waxaanay kala ahaayeen qodobada ay kala hadleen.

1) Horumarinta Biyaha
2) Horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha sida (Dekadaha, Wadooyinka iyo Madaarada)
3) Horumarinta caafimaadka
4)Tayeynta Tamarta korontada oo dalka loo sameeyo tamaraha la cusboonaysiin karo (renewable energy)
5) Kor u qaadida cilaaqaadka iyo xidhiidhka siyaasada ee labad dal
6) Caawimo xaga bin-aadaminimo ee qaxootiga kasoo burqanaya Yemen.Kulankan ayaa ku dhamaaday guul iyo is af-garad, iyadoo la xusi karo sida milgaha dawladnimo huwan ee weftiga loogu soo dhaweeyay dalkan kulankuna ku billaabmay jawi milgo iyo maamuus mudankulankan ayaa noqonaya mid wax badan ka tari doona xaalada Dimplomasiyadeed iyo dhaqaale ee Jamhuuriyada Somaliland.





Contact@afkashaacbka.com