Caruusad Xalay ku geeriyootay Bariga Magaalada Hargeysa Xilli loo sii Galbinayey Gurigii Aqalkeeda iyo Aroos ka dhici lahaa Dararweyne oo isu Bedelay Tacsi

0
Thursday April 10, 2014 - 15:08:26 in by Super Admin
  • Visits: 1039
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caruusad Xalay ku geeriyootay Bariga Magaalada Hargeysa Xilli loo sii Galbinayey Gurigii Aqalkeeda iyo Aroos ka dhici lahaa Dararweyne oo isu Bedelay Tacsi

    Xamda Cabdi Daahir oo ahayd Aroosad ayaa Xalay Geeriyootay, shan qof oo kale-na way dhaawacmeen,kadib markii .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xamda Cabdi Daahir oo ahayd Aroosad ayaa Xalay Geeriyootay, shan qof oo kale-na way dhaawacmeen,kadib markii .....

Xamda Cabdi Daahir oo ahayd Aroosad ayaa Xalay Geeriyootay, shan qof oo kale-na way dhaawacmeen,kadib markii gaadhi yar uu kula dhacay Huteelka KAAH ee Bariga Hargeysa hortiisa. Sidaa waxa qaar ka mida warbaahinta u xaqiiyey dad goob joog ka ahaa markii dhacdadaasi dhacday.

Gaadhigan oo ay saarnaayeen afar hablood iyo laba nin ayaa dhacay abaaro 8:45 ee xalay,wakhtigaas oo uu ku sii socday Magaalada Darara-weyne oo uu xalay Aroosku ka dhici lahaa hasayeeshe waxa timid dhacdadan shilka ah.

Shilkan naxdinta baddan ayaa ka danbeeyey, kadib markii gaadhigu waddada kala baxay,Caruuska Ayaan La socon gaadhiga oo xiligaasi isagu ku sugnaa deegaanka dararweyne.

Waxaanay sheegayaan wararku inuu dhaawac culusi soo gaadhay labadii nin ee la socday aroosada oo uu mid ka mid ahi kooma uu galay.

Dhaawiciina waxa loola cararay Cusbitaalka guud ee Mgaaalada Hargeysa si loogu soo daweeyo.

Tan iyo intii dayactirka lagu sameeyey qaar ka mida Waddooyinka Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa waxa marba marka ka sii danbeysa kor u sii kacayey shilal,iyadoo sababtu tahay xawliga xad dhaafka ah ee ay gaadiidku ku socdaan iyo Darawal xumo inta badan keenta Shilalkan halista ah.





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com