Madaxweynaha somaliland oo Dawladda Imaaraatka uga cawday saamayn dhaqaale xumo oo ay ku yeesheen dagaalada ka socda yemen, codsadayna in laga caawiyo kaalmaynta qaxootiga yemen

0
Wednesday June 10, 2015 - 07:52:34 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha somaliland oo Dawladda Imaaraatka uga cawday saamayn dhaqaale xumo oo ay ku yeesheen dagaalada ka socda yemen, codsadayna in laga caawiyo kaalmaynta qaxootiga yemen

    Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, ayaa idacadda VOA uga warramay waxyaabaha ay ka wada hadleen madaxweynaha iyo dhaxal sugaha imaaratku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, ayaa idacadda VOA uga warramay waxyaabaha ay ka wada hadleen madaxweynaha iyo dhaxal sugaha imaaratku

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ah weftiga Madaxwaynaha Somaliland ee safarka shaqo ku jooga dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka wada hadleen Madaxwaynaha Somaliland iyo dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta oo shalay yeeshay kulan ballaadhan.

11402780_897621446977851_4947854304103958313_n

 

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland doonayso inay iskaashi fiican la samayso Imaaraadka Carabta, islamarkaana ka hesho caawimo dhaqaale.

Wasiir Xirisi Cali Xaji Xasanoo isagoo jooga Imaaraadka ay waraysi la yeelatay idaacadda VOA ayaa sheegay inay masuuliyiinta Imaaraadka kala xaajoonayaan sidii ay uga caawin lahaayeen kaabayasha dhaqaalaha oo ay kamid yihiin waddooyinka, biyaha, madaarrada dalka iyo horumarinta dekedda Berbera.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi "Waxay ahayd (Ujeeddada safarka Madaxwaynuhu) inuu u bandhigo Imaaraadka in baahiyaadka Somaliland ka jira wax lagala qabto, waxaana ka mid ah horumarinta biyaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo dekedda Berbera ugu mudan tahay, waddooyinka isku xidha dalka ee qaarna socdaan, qaarna u baahan in la dhiso, Madaarrada, korontada sidii dalka loo gaadhsiin lahaa, sidii xidhiidhka siyaasiga ah ee dalka Imaaraadka iyo Somaliland kor loogu qaadi lahaa iyo inay qoxootiga ka soo burqanaya Yemen ka geystaan gacan bani-aadaminimo oo ay wax naga taraan, taana waanu kala hadalay iyo iyadoo dhaqaalahayagii ay saamayn ku leedahay oo aanu uga cabanaynay iyaga iyo dalalka Carbeed…”

Wasiirka oo la waydiiyay in heshiiska ay la galayaan dalka Imaaraadka ay dhici karto inay Soomaaliya carqalad kala kulmaan maadaama oo aan la aqoonsanayn Somaliland, ayaa sheegay in aanay filayn in Soomalia faraha la soo gasho xidhiidhka Dubai iyo Hargeysa.

Wasiir Xirsi oo la waydiiyay inuu meel maray heshiiskii saddexda Xisbi qaran iyo xukuumadda ee guurtidu diiday ayaa sheegay in Go’aankii Guurtidu yahay mid sharci ah oo aan muran ka taagnayn, balse waxa lagu muransanaa ahayd dherarka wakhtiga "Guurtida sharciyaddeeda la iskuma hayn ee waxa la isku hayey sidii wakhtiga (Doorashadu dhaceyso) la iskula fahmi lahaa, arrintaasina meel fiican ayay mareysay, laakiin marnaba sharcinimada Guurtida la iskuma qaban, taa wakhtiga doorashadana in la isku soo dhawaado ayaan qabaa…”ayuu yidhi.