Daawo: Duqa Caasimadda oo amarro cusub iyo go'aano ka soo saaray Dadka Bixin waaya Cashuuraha

0
Wednesday June 10, 2015 - 08:13:55 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Duqa Caasimadda oo amarro cusub iyo go'aano ka soo saaray Dadka Bixin waaya Cashuuraha

    Shir lagaga hadlayey nabadgalyada caasimadda iyo diwaangelin casriya oo lagu samaynayo guryaha Hargeysa ayaa Maanta lagu qabtey xarunta dawladda hoose ee Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir lagaga hadlayey nabadgalyada caasimadda iyo diwaangelin casriya oo lagu samaynayo guryaha Hargeysa ayaa Maanta lagu qabtey xarunta dawladda hoose ee Hargeysa.


Guddoomiyaha Golaha deegaanka Hargeysa, Cabdiraxmaan Soltelko, Agaasimaha qorsheynta ee dawladda hoose, xildhibaannada golaha deegaanka ee hawshani khuseyso iyo qaar ka mid ah guddiyada degmooyinka caasimadda ayaa ka wada qayb-galay kulankaasi.

Waxa ugu horeyn halkaasi ka hadlay xildhibaan Axmed Daahir Axmed, waxaanu sheegay in diwaangelinta guryuhu wax ka tareyso nabadgalyada iyo nadaafadda "Diwaangelinta Guryuhu waxay wax ka tareysaa dhanka nabadgalyada, dhanka cashuuraha, nadaafadda, markaa waxa looga baahan yahay guddiyada xaafadaha in shaqo kasta oo ka socota degmadooda inay gacan ka geystaan”

Xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Hargeysa, Ibraahim Axmed Raabbi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa guddiyada xaafadaha ku amaanay doorka shaqo ee ay ugu jiraan dawladda hoose "Aad baad ugu amaanan tihiin dumarow shaqada guddinimo ee aad haysaan, siiba dhanka nabadgalyada” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Diwaangelinta guryuhu waxay naga caawineysaa nabadgalyada, tirakoobka way naga caawinaysaa, cashuurta way naga caawineysa, markaa waxa la idiinka baahan yahay guddiyo ahaan inaad arrintaasi ka hawl-gashaan oo aad wacyi-gelin samaysaan”

Maayarka caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) oo isaguna gabogabadii halkaasi ka hadlay ayaa yidhi "Dhaqaalaha dawladda hoose wuxuu ku xidhnaa ardiyadda guryaha, ardiyaddiina intii hore hoos bay uga sii dhacday, markaa waxaanu samayn doonaa in dadka maxkamad lagu geeyo cashuurta guryaha hadday iska bixin waayaan, wixii dhul la iska seestay ee bilaa cashuurta ahaana waalla duminayaa…”