MAAREEYAHA IYO KU-XIGEENKA WAKAALADDA KORONTADA OO BAADHITAAN LAGU BILAABAY LOOGA JOOJIYEY AWOODIHII MAAMUL

0
Thursday April 10, 2014 - 15:46:43 in by Super Admin
  • Visits: 739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAAREEYAHA IYO KU-XIGEENKA WAKAALADDA KORONTADA OO BAADHITAAN LAGU BILAABAY LOOGA JOOJIYEY AWOODIHII MAAMUL

    Maareeyaha iyo ku-xigeenka Hay'adda Korontada Dawladda ee Hargeysa oo muddo ka badan laba toddobaad ah ay fadhiistaan mishiinnadeedii laydhka u shidi jiray caasimadda, ayaa gebi ahaanba laga joojiyey awoodahoodii maamul kadib markii lagu bilaaba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha iyo ku-xigeenka Hay'adda Korontada Dawladda ee Hargeysa oo muddo ka badan laba toddobaad ah ay fadhiistaan mishiinnadeedii laydhka u shidi jiray caasimadda, ayaa gebi ahaanba laga joojiyey awoodahoodii maamul kadib markii lagu bilaabay baadhitaan.


 

Hantidhawrka Guud ee Qaranka, ayaa awoodihii maamulka iyo saxeexa maaliyadda ka joojiyey Maareeyaha guud Mr. Axmed-yaasiin Aw Maxamed Jaamac iyo Ku-xigeenkiisa Cabdilaahi Yuusuf Cilmi, kadib markii ay soo ifbaxeen fadeexado culus oo sababay in gebi ahaanba albaabada loo xidho hay’addaas dawliga ah.

 

Weriyeyaal ka tirsan Jamhuuriya oo booqday xarunta Hantidhawrka Guud, ayaa halkaas kula kulmay Maareeyaha iyo Maareeye-ku-xigeenka Wershadda Korontada oo hantidhawrayaasha qaranku weydiinayeen su’aalo la xidhiidha sababaha keenay inay wada fadhiistaan dhammaan mishiinnadii laydhka ee hay’addaas maalintii Salaasadda.

 

Ma jiro warar rasmi ah oo Hantidhawrka Qaranku ka soo saaray hawlgallo baadhiseed oo uu maalmihii u dambeeyey ka waday Wershadda Korontada Dawladda oo muddo toddobaadyo ah u cadilan yihiin in ka badan 4000 (afar kun) oo macmiil oo ay dabka siin jirtay, kadib markii afar mishiin oo hay’addaasi lahayd u fadhiisteen cillado lagu tilmaamay dayactir la’aan iyo maamul xumo.

 

 

Haseyeeshee, ilo-wareedyo ku dhodhow Hantidhawrka Guud ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in labada masuul laga joojiyey awoodihii saxeexa maaliyadda Wershadda Korontada, kuwaas oo lagu hayo baadhitaanno adag oo ku saabsan asbaabaha dhaliyey inay wada fadhiistaan mishiinnadii dabka dhalin jiray iyo weliba halkay ku dambaysay lacag la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo ugu deeqay hay’addaas markii masuuliyiintani xilka la wareegeen badhtamihii sannadkii hore.

 

Sidoo kale, waxa ilo-wareedyadaasi xuseen in Maareeyaha Wershadda Korontada Dawladda Mr. Axmed-yaasiin Aw Maxamed Jaamac laga xayiray inuu dalka dibadda uga baxo tan iyo inta Hantidhawrka Guud soo afmeerayo baadhitaannadiisa.

 

Dhinaca kale, warar aan si cad loo xaqiijin ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu baajiyey qorshe lagu doonayey in Wershadda Korontada Dawladda ee fadhiisatay laga iibiyo shirkadaha laydhka ee gaarka loo leeyahay, isla markaana amar ku bixiyey in meelo kala duwan degdeg looga raadiyo mishiinno cusub oo wershadda dib loogu kiciyo, waxana ilaa shalay socday dhaqdhaqaaqyo ku saabsan fulinta amarka Madaxweynaha, balse weli wax xal ah looma helin daboolista baahida korontada ee hay’addaasi bannaysay.




Xigasho: Jamhuuriya