Kenya: Macalimiin kufsi kula kacay Ardaydii ay waxbarayeen oo Shaqadii laga Caydhiyey.

0
Thursday June 11, 2015 - 09:09:48 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya: Macalimiin kufsi kula kacay Ardaydii ay waxbarayeen oo Shaqadii laga Caydhiyey.

    Dowlada Kenya ayaa shaqada ka eriday 126 macalin kadib markii lagu helay faro xumeyn ay u geysteen arday wax ka baranaysay dugsiyo ku yaal dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Kenya ayaa shaqada ka eriday 126 macalin kadib markii lagu helay faro xumeyn ay u geysteen arday wax ka baranaysay dugsiyo ku yaal dalka Kenya.

Guddi ay leeyihiin macalimiinta dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in macalimiintan aanan loo oggoleyn in ay markale wax ka dhigaan iskuulo ku yaal dalka Kenya. Hase yeeshee hay’adaha u dooda daryeelida carruurta dalka Kenya ayaa waxa ay ugu baaqeen xeer ilaaliyaha qaranka dalka Kenya in sharciga la horkeeno macalimiintaas anshax darrada kula kacay ardaydooda si aysan u xumeyn mustaqabalka carruur kale.

Ma aha markii ugu horeysay ee shaqada laga eryo macalimiin lagu soo eedeeyay fal anshax darro ah waxana hore shaqada loogaga eryay macalimiin gaareysa kun macalin. Hase yeeshee guddiga ay leeyihiin macalimiinta dalka Kenya ayaa macalinkii lagu eedeeyo faroxumeyn uu ka bedeli jirey halka ay ka dhacday faro xumeynta loo geystey ardayda dheddiga ah. Madaxa guddiga macalimiinta ayaa sheegay in ay ilaalin doonaan in macalimiinta aysan xitaa ka shaqeyn dugsiyada gaarka loo leeyahay.