Golaha Degaanka Sheffield Oo loogu Mahadnaqay Munaasibad Ilyartu Is Qabatay Oo Lagu Qabtay Hargaysa, Iyo Muqaalkii Madasha oo Dareen Gaar ah lahaa. +SAWIRO

0
Thursday April 10, 2014 - 15:58:11 in by Super Admin
  • Visits: 1320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Degaanka Sheffield Oo loogu Mahadnaqay Munaasibad Ilyartu Is Qabatay Oo Lagu Qabtay Hargaysa, Iyo Muqaalkii Madasha oo Dareen Gaar ah lahaa. +SAWIRO

    Munaasibadan ayaa loogu mahad naqaayay Xildhibaanada Golaha degaanka Magaaladda Sheffield, iyo Jaaliyada rer Somaliland ee Magaladaas...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibadan ayaa loogu mahad naqaayay Xildhibaanada Golaha degaanka Magaaladda Sheffield, iyo Jaaliyada rer Somaliland ee Magaladaas...

Munaasibad ballaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa lagu qabtay Magaaladda Hargaysa.  

Munaasibadan ayaa loogu mahad naqaayay Xildhibaanada Golaha degaanka Magaaladda Sheffield, iyo Jaaliyada rer Somaliland ee Magaladaas oo iyagu qayb weyn ku lahaa qadiyadan ay Xildhibaanadu ugu codeyeen Jamhuuriyadda Somaliland inay tahay dal Madaxbanaan. Waxaana ka soo qaybgalay Xafladan, Marwada Madaxweynaha Somaliland, Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamuud Jirde, Wasiirka arrimaha debadda, Maxamed Biixi Yoonis, Arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde, Wasiirka Qorshaynta, Dr. Sacad Xaji Cali Shire, Wasiiro ku-xigeeno Xildhibaano, Saladiin iyo dadweyne tirobadan. Sidoo kale waxaa Munasibadan ka soo qaybgalay Masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga WADANI, kuwaas oo uu hoggaaminaayay Xoghayaha guud ee Xisbigaas.

Masuuliyiinta Xisbiga WADANI ee ku sugnaa Xafladii loogu mahad naqaayay Xildhibaanada Sheffield.

 

Waxaana Munasibadan iyaguna si weyn u soo camiray qurbajooga ku sugan ee ka yimi waddamada debadda, Wasiiradii Munaasibadaas ka hadlay ayaa ka waramay muhiimada ay maalintii 2/4/2014 oo ahayd Arbacadii la soo dhaafay u lahayd qadiyadda Somaliland.

Xubno kamid ah Qurbajooga Somaliland, gaar ahaan xubno degan Magaaladda Sheffield oo ku sugnaa xafladii loogu mahad naqaayay Xildhibaanada degaanka Magaladaas, ayaa ka waramay xiliyadii ay Jaaliyada Somaliland soo degtay degaanka Sheffield, tariikhda Magaladaas iyo muddadii ay ku qaadatay ololihii keenay ugu danbayntii in cod loo qaado qadiyadda dalka.

Wasiirka arrimaha debadda, Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlay goobtaas, ayaa ka waramay sababaha keenay inay Sheffield aqoonsi u fidiso Somaliland, wuxuuna tilmaamay in aanay taasi iska iman balse ay ku qanceen, dawladnimada dhammayska tiran ee ay sameeyeen rer Somaliland. Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxame Warancadde, ayaa isna shaaciyay in dalka Soomaaliya ku soo duulay jiritaanka Somaliland, isla markaana meelaha ay dagaalka ku soo qadeen ay ka midtahay dhawaaqa ka soo baxay Sheffield, balse wuxuu uga digay hagar damooyinka ay Soomaaliya ku wado Somaliland, wuxuuna rajo wanaagsan oo himilo leh ka muujiyay in arrinta Sheffield horseedi doonto dawlado kale oo ku dhiirada qiritaanka xuquuqda shacabka Somaliland.

Madashan oo ahayd mid ay ka muuqdeen Calamada Wadanka UK iyo Ka Somaliland oo ay dadweynihii goobtaasi isugu yimid luxayeen, jawigana ka dhigtay mid Qurxoon oo dadweynihii isugu yimid dib u xasuusisay 1960 kii markii ay Somaliland Madaxbanaanideeda ka qaadatay Boqortooyadii ingiriiska ee Somaliland ka talin jirtay wakhtigaasi, balse jawigan maanta ayaa noqonaaya mid xasuustiisu tahay in Wadanka Ingiriiska Gole ka mid ihi intuu shir ka yeesho qadiyada Somaliland uu weliba ku dhawaaqo gooni isu taaga Somaliland, waana ta keentay in Shacbiga Somaliland ay xusaan maanta go’aankaasi geesinimada leh.

 



Si kastaba ha ahaate xafladan ayaa ahayd tii ugu weynayd ee loogu mahad naqaayay Jaaliyada rer Sheffield, iyo Xildhibaanada golaha degaanka Magaaladaas. 



Afkashacabka.com 

Hargeysa /office 

Contact@afkashacabka.com