Isreebreebka Qaramada Afrika Ee 2017 Ka Oo Bilowday: Jabuuti Oo In Ka Badan Nus Darsin Goolal Ah Looga Badiyay, Morocco Iyo Tunisia Oo Guulo Hor Leh Gaadhay.

0
Saturday June 13, 2015 - 11:02:50 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isreebreebka Qaramada Afrika Ee 2017 Ka Oo Bilowday: Jabuuti Oo In Ka Badan Nus Darsin Goolal Ah Looga Badiyay, Morocco Iyo Tunisia Oo Guulo Hor Leh Gaadhay.

    Waxaa bilowday ciyaarihii isreebreebka Koobka Qaramada Afrika ee 2017, iyadoo kulankii ugu horeysay ay wada ciyaareen xulka Tunisia iyo xulka Jabuuti oo ku jira Group A.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa bilowday ciyaarihii isreebreebka Koobka Qaramada Afrika ee 2017, iyadoo kulankii ugu horeysay ay wada ciyaareen xulka Tunisia iyo xulka Jabuuti oo ku jira Group A.



Nasiibdarro xulka Jabuuti kulankoodii ugu horeysay ee isreebreebka waxa ay guuldarro culus ka soo gaartay mid ka mid ah xulalka ugu waa weyn Afrika ee Tunisia kuwaasoo ku badiyay 8-1.

Yassine Chikhaoui ayaa seddexleey u dhaliyay Tunisia qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo goolka afaraad oo isla qeybtii hore u saxiixay Ferjani Sassi waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 4-0 oo ay Tunisia hogaanka ku heysay, bilowgii qeybta hore ayay Jabuuti gool soo ceshatay markii ay Mohamed Liibaan uu rigoore u saxiixay.

Laakiin Tunisia ayaa afar gool kale dhalisay oo ay u kala saxiixeen Saber Khalifa, Fakhreddine Ben Youssef, Maher Hannachi iyo Yoann Touzghar.

Group A waxaa kula wehliya labadaan xul, xulalka Liberia iyo Togo oo iyagana is arki doona isbuucaan.

Xulka Morocco oo ku jirta Group F ayaa iyadana ciyaartay waxa ay 1-0 kaga badiyeen xulka Libya iyadoo goolka uu u saxiixay Omar El Kaddouri. Waxaana Group F kula wehliya xulalka Sao Tome and Principe iyo Cape Verde.

Ugu danbeyn iyadana Group L ayaa kulan laga ciyaaray iyadoo Guinea ay wajahday xulka Swaziland, waxaana 2-1 ku badisay xulka koonfurta Afrika ku yaala ee Swaziland iyadoo Tony Tsabedze uu labada gool u dhaliyay.

Kulamada Maanta La Ciyaarayo:

  • Malawi v Zimbabwe
  • South Africa v The Gambia
  • Zambia v Guinea-Bissau
  • Angola v CAR
  • Uganda v Botswana
  • Nigeria v Chad
  • Cape Verde v Sao Tome
  • Burkina v Comoros Islands
  • Senegal v Burundi
  • Mali v south Sudan
  • Algeria v Seychelles

Contact@afkahsacabka.com