Daawo:Halyeeyada Hore Real Madrid Iyo Liverpool Oo XalayFooda Is Daray Yaase Guushu Raacday+Sawiro
Goolal madax ah oo ay dhaliyeen xiddigihii hore ee Liverpool Harry Kewell iyo Michael Owen ayaa Liverpool hogaanka u dhiibtay qeybtii hore ee ciyaarta.
Rigoore uu saxiixay Roberto Carlos ayaana kala bartay farqiga, ka hor inta uusan halyeeyga reer Brazil ku celinin mar kale, Jose Amavisca ayaa dhameystiray soo laabashada Real Madrid iyadoo ciyaarta ay 22 daqiiqo ka harsan tahay ka hor inta uusan Ivan Perez goolka afaraad u saxiixin kooxda reer Spain.
Iyadoo lacagta ka soo baxday ciyaartaan loogu deeqayay hay’ada laanqeyrta cas ee Spajn waxaa garoonka Santiago Bernabeu soo xaadirtay 60 kun taageerayaal ah oo daawaanayay halyeeyadii hore ee Liverpool iyo Real Madrid oo isaga horimaanaya caasimada Spain.
Ciyaarta lafteeda ayay saxaafada Spain ku sii tilmaameen inay tahay ciyaartii 15ka Champions League mana aysan noqonin mid laga niyadjabo oo waxa ay aheyd mid madadaalo fiican leh iyadoo Zinezinde Zidane uu bartanka ka ahaa farsamooyinka cajiibka ah ee ciyaarta.
Real Madrid Legends XI:Buyo, Salgado, Carlos, Sanchis, Zidane, Morientes, Seedorf, Karembeu, Sanz, Solari, Makelele.
Bedel:Contreras, Rojas, Garcia Cortes, Pavon, Sabido, Congo, Butragueno, Perez, Velasco, Amavisca.
Goolasha:Carlos 43 rigoore, 52 rigoore,Amavisca 68, Perez 83
Liverpool Legends XI:Dudek; McAteer, Carragher, Kvarme, Harkness; Garcia, McManaman, Berger; Fowler; Owen, Kewell.
Bedel:Westerveld, Jones, Thompson, Xavier, Smicer, Diao, Henchoz, Rush, Partridge.
Goolasha:Kewell 18, Owen 21
Daawo:Halyeeyada Hore Real Madrid Iyo Liverpool Oo XalayFooda Is Daray Yaase Guushu Raacday+Sawiro
Madrid(AFKA)Halyeeyada Real Madrid ayaa ka soo kabsaday labo gool oo looga hormaray islamarkaana 4-2 ku garaacay halyeeyada Liverpool ciyaar xiiso laheyd oo xalayto ka dhacday Santiago Bernabeu.