Sepp Blatter Oo Laga Filaayo Inuu Ka Noqdo Go'aankiisa Iscasilaada Oo Uu Isku Soo Sharaxo Doorashada Cusub. Maxaa Sababay?

0
Monday June 15, 2015 - 10:24:19 in by salman abdi
  • Visits: 1005
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sepp Blatter Oo Laga Filaayo Inuu Ka Noqdo Go'aankiisa Iscasilaada Oo Uu Isku Soo Sharaxo Doorashada Cusub. Maxaa Sababay?

    Sepp Blatter ayaa u furnaan kara suurtogalnimada inuu dib isagu soo sharaxo jagada madaxtinimada FIFA ee uu dhawaan iska casilay sida ay ogaatay BBC.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sepp Blatter ayaa u furnaan kara suurtogalnimada inuu dib isagu soo sharaxo jagada madaxtinimada FIFA ee uu dhawaan iska casilay sida ay ogaatay BBC.


79 jirkaan ayaa sheegay inuu iska casilayo shaqada madaxtinimada FIFA in ka yar labo isbuuc ka hor, kaliya afar maalmood markii xafiiska loo doortay markiisii shanaad.

Madaxweyne cusub ayaa la filayay in la doorto, waxaana loo badinayay inay doorashadaas dhaceyso bartamaha bisha December.

Laakiin ilo ku dhow dhow Blatter ayaa u sheegay BBC in ninka reer Switzerland uu ka noqon karo iscasilaadiisa haddii qof ku haboon shaqada uu soo bixi waayo.

"Wax walba waa ay furan yihiin” ayuu yiri ishaas warka laga soo xigtay.

Blatter ayaa kulamo qaban doona maalmaha soo socda si uu u ogaado haddii uu weli heysto taageere ku filan oo xafiiska u dooran karta markiisii lixaad.

Blatter ayaa 2dii bishaan June waxa uu balanqaaday inuu iska casilayo shaqada madaxtinimada FIFA islamarkaana uusan dib danbe isku soo sharaxi doonin.

Si kastaba, 2011kii Blatter ayaa sidoo kale sheegay in markii madaxweynenimada loo doortay markiisii afaraad inuusan dib danbe isku soo sharaxi doonin, hadana wuu ka laabtay go’aankaas, laakiin haddii uu haatan iscasiladaasii ka laabto waxa ay keeni doontaa muran badan.

Iskuday kasta oo uu Blatter ku sii hayo hogaanka FIFA waxa ay keeni doontaa mucaaradad weyn iyadoo weli uu socdo baaritaanka musuqmaasuqa ee ay hogaamineyso FBI-da iyadoo dhowr xubnood oo FIFA ka tirsan loo xiray.

Dad badan ayaana dalbanaya in Blatter uu xafiiska isaga tago sida ugu dhaqsiyaha badan halkii uu sugi lahaa kulanka lagu dooranayo madaxweynaha cusub waqtiga qaboobaha.