Wararkii Ay Qoreen Wargeysyada Maanta.Liverpool Oo Heshiis La Gaartay Mateo Kovacic & United Oo 30 Milyan Ku Dalbaneysa Felipe Anderson

0
Monday June 15, 2015 - 11:08:42 in by salman abdi
  • Visits: 929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ay Qoreen Wargeysyada Maanta.Liverpool Oo Heshiis La Gaartay Mateo Kovacic & United Oo 30 Milyan Ku Dalbaneysa Felipe Anderson

    Maalin wanaagsan dhamaatiin kuna soo dhawaada barnaamijka maalinlaha ah ee wargeyyada iyo waxyaabihi ay ka qoreen suuqa kale iibsiga ciyaartooyda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin wanaagsan dhamaatiin kuna soo dhawaada barnaamijka maalinlaha ah ee wargeyyada iyo waxyaabihi ay ka qoreen suuqa kale iibsiga ciyaartooyda,


 Inkastoo wali aan daaha laga qaadin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, hadana waxaa jirta warar xan ah oo ay qoraan warbaahinta kubada cagta caalamka taasoo muujineysa in koox walba ay dadaal ugu jirto iney usii diyaar garowdo xagaaga soo aadan.

Waxaan idiin soo koobi doonaa warakii maanta oo axad ah ah ay qoreen warbaahinta kubada cagta, masuulna kama noqon doono xaqiiqda iyo jiritaanka warkaan madama an u xaglin doono meesha aan kasoo xiganay.

Xiddiga ku hungoobay Manchester United Radamel Falcao ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda heysata horyaalka Premier League ee Chelsea. (Daily Mirror)

Robin van Persie ayaa wacad ku maray inuu u dagaalami doono booskiisa Manchester United ka dib markii warar xan ah ay soo jeediyeen inuu ka tagayo Old Trafford. (Daily Mirror)

Liverpool ayaa dib u soo cusbooneysiisay dalabkeeda daafaca kooxda Southampton Nathaniel Clyne ka dib markii laga soo diiday dalab 10 milyan ginni ah. (Daily Mirror)

Weeraryahanka Manchester City Edin Dzeko ayaa waxaa dooneysa kooxda AS Roma iyadoo Manchester City ay isha ku heyso wiilka u soo baxay Fulham Patrick Roberts. (Daily Mirror)

Manchester United ayaa isku diyaarineysa inay dalab 30 milyan ginni ah ka gudbiso xiddiga khadka dhexe ee Lazio Felipe Anderson. (The Sun)

Manchester City ayaa sii wadan doona qorshahooda suuqa kala iibsiga xagaaga inkastoo laga cabsi qabo inay ganaax kala kulmaan Uefa madaama laga yaabo inay jabiyaan sharciga dhaqaale wanaaga Uefa. (Manchester Evening News)

Xiddiga diirada u saaran Arsenal iyo Manchester United Carlos Bacca ayaa iska diidi doona kooxaha Premier League si uu ugu dhaqaaqo kooxda Roma. (Daily Mail)

Liverpool ayaa heshiis kala gaartay kooxda Inter Milan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Croatia Mateo Kovacic. (Metro)

Manchester United ayaa qarka u saaran inay dhameystirto saxiixa daafaca reer Argentina ee kooxda Valencia Nicolas Otamendi ka dib markii ay heshiis shaqsi ah la gaareen Nicolas Otamendi. (Metro)

Everton ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka aan saldhigan ee kooxda Arsenal Lukas Podolski. (Daily Star)