Wasaaradda Hawlaha Guud Oo La Wareegtay Maamulkii Warshadda Laydhka Hargeysa

0
Friday April 11, 2014 - 10:34:20 in by salman abdi
  • Visits: 803
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Hawlaha Guud Oo La Wareegtay Maamulkii Warshadda Laydhka Hargeysa

    Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay cilladda ku timid mishiinnadii warshadda laydhka dawladda ee Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay cilladda ku timid mishiinnadii warshadda laydhka dawladda ee Hargeysa

 kuwaasi oo sabab u noqday inay gabi ahaanba fadhiisato shaqadii warshaddu u haysay shacabka caasimadda.

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa 12 Maalmood oo ay warshaddu bakhtiisnayd shacabka u ballan-qaaday inay dhawaan laydh heli doonaan, isla-markaana ay soo iibiyeen Mishiinno cusub.

Wasiirka oo shalay la hadlay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay in cilladda warshadda laydhka ku timid ay u dhacday shil ahaan "Waxani waa farsamo, Mishiinnaduna way cilladoobi karaan, cillad farsamo ayaanna ku timid mishiinnadii waaweynaa ee Magaalada (shidayey)” ayuu yidhi, Wasiirka hawlaha guud, oo sidoo kale sheegay inuu la wareegay Maamulkii Warshadda Laydhka dawladda ee Hargeysa "Muddo ayaanu isku daynay inaanu hagaajino, Maamulkiina wasaaraddu way la wareegtay, maalmahan oo dhanna waxaanu ku jirnay shaqadeedii, waxa kale oo aanu dedaal u galnay sidii loo heli lahaa Mishiinno kale oo bedalla, maanta (shalay) ayaanu rejaynaynaa inay na soo gaadhaan, kuwo gudaha yaalleyna waxaanu rabnaa inaanu u soo iibino”

Wasiirku waxa uu cilladda ku timid Mishiinnadii warshadda ku macneeyay shil "Waana arrin si shil ah ku timid in mar kaliya ay shanta Mishiinba wada fadhiistaan”ayuu yidhi.

Warshadda laydhka dawladda ee Hargeysa, ayaa bakhtiisan muddo 13 Maalmood ah, waxaana dadwaynihii dabkeeda isticmaali jiray haysata laydh la’aan, ka dib markii shirkadaha kale ee laydhka bixiyaa ay dadwaynaha ku xidheen inay warqado ka soo qaataan warshadda laydhka dawladda, lana caddeeyo inaan wax deyn ah hore loogu lahayn, si markaa laydhka loogu xidho


Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
Contact@afkashacabka,com