Barcelona Oo Lagu Soo Waramayo Inay Heshiis Lagaartay Jurgen Klopp.

0
Friday April 11, 2014 - 10:42:48 in by salman abdi
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona Oo Lagu Soo Waramayo Inay Heshiis Lagaartay Jurgen Klopp.

    Idaacad FM ah oo lagu magaacaabo Cadena Ser ayaa shaaca ka qaaday maanta in kooxda Barcelona ay heshiis la gaartay tababaraha kooxda Borussia Dortmund Jurgen Klopp.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Idaacad FM ah oo lagu magaacaabo Cadena Ser ayaa shaaca ka qaaday maanta in kooxda Barcelona ay heshiis la gaartay tababaraha kooxda Borussia Dortmund Jurgen Klopp.


Idacaada ayaa sheegaysa in maamulka kooxda Barcelona ay doonayaan in Klopp uu kooxda la wareego dhamaadka xili ciyaareed kan taas oo meesha ka saaraysa tababaraha ree Argentina ee Tata Martino.

Martino ayaa la wareegay shaqada kooxda Barcelona xaggaagii tagay waxaana lagu eedaynayaa hada inuu masuul ka yahay hoos u dhaca soo wajahay kooxda gaar ahaan waqtiyadii u danbayay.

Jurgen Klopp waa mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican qaarada yurub waqtigaan lajoogo wuxuu guulo waa wayn u horseeday kooxda Borussia 3dii sano ee u danbaysay isagoo kooxdiisa gaarsiiyay Finalka Champions League xili ciyaareed kii hore taas ayaana keenaysa in kooxo badan ay indhaha la raacaan tababarahaan 46 jirka ah.