Guddomiyaha Jamacadda Hargeysa oo Warsaxaafadeed Hanjabaad iyo Canbaarayn ah kasoo saaray Fal anshax xumo ah oo Xubno Ardayda jamacadaa ahi ku kaceen

0
Friday June 19, 2015 - 12:02:38 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddomiyaha Jamacadda Hargeysa oo Warsaxaafadeed Hanjabaad iyo Canbaarayn ah kasoo saaray Fal anshax xumo ah oo Xubno Ardayda jamacadaa ahi ku kaceen

    Guddoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Jaamacada Hargeysa Cabdi Xuseen Gaas ayaa dhalinyaro fadqalo ka dhex sameeyay shir ay guddida Jaamacadu ku lahaayeen Xarunta Jaamacadaasi ugu hanjabay in ay sharciga La Tiigsan Doonaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Jaamacada Hargeysa Cabdi Xuseen Gaas ayaa dhalinyaro fadqalo ka dhex sameeyay shir ay guddida Jaamacadu ku lahaayeen Xarunta Jaamacadaasi ugu hanjabay in ay sharciga La Tiigsan Doonaan.


Cabdi Xuseen Gaas oo uu warsaxaafadeedkiisu soo Gaadhay shebekedda Afkashacabka.com ayaa u dhignaa sidanWarsaxaafadeed uu soo saaray ayaa waxa uu ku cambaareeyay falkaasi oo uu ku sheegay in uu ahaa mid uu noociisu ku cusub yahay dalka.

 

 

"Maanta oo taariikhdu tahay 18 June 2015, waxa maamulka iyo Guddida Sare (BOD) aad uga xun yihiin in karaamadii iyo maamuuskii Jaamacadda iyo weliba mustaqbalkii ay dhisayeen ee hagaajinta iyo tayeynta jaamacadda meel lagaga dhacay, kaasoo ay ku kaceen koox arday ah oo gaystay fal argagax leh oo sababay dhaawac isugu jira naf iyo maal.

Maalintii Arbacada ee taariikhdu ahayd 17 June 2015, saacaduna ahayd abaaro 10:15am, ayaa waxa ka dhacay fal weerar ah hoolka shirarka ee Kuliyadda Caafimaadka Jaamacadda Hargeysa, goob-joogna ay ahaayeen guddida sare iyo xubnaha ka tirsan maamulka sare (Senates).

Haddaba, dhacdadan foosha xun oo ahayd markii ugu horaysay abide e ay ka dhacdo Jaamacadda Hargeysa, taasoo u muuqatay fal abaabulan oo la soo qorsheeyey, waxa falanqayn dheer kadib Jaamacadda Hargeysa go’aansatay;

  1. Inay ku abaalmariso ardayda falkaas gaysatay si waafaqsan xeerka ardayda ee jaamacadda
  2. In la eryey dhammaan kooxdii ardayda ahayd ee falkaas gaystay, laga bilaabo taariikhda falkan dhacay oo ahayd 17 June 2015
  3. In aanay jaamacaddu mar dambe u dulqaadan doonin fal noocan oo kale
  4. In ciidanka boolisku ka guto waajibkiisa sharciga ah, xil gaar ahna iska saaro ilaalinta nabadgelyada iyo kala dambaynta
  5. In dhaawac muujin loo sameeyo masuuliyiinta dhaawacu ka soo gaadhay falkaas foosha xun,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Ku Meel Gaadhka Ah Jaamacada Jaamacadda Hargeysa Cabdi Xuseen Gaas.Guddoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Jaamacada Hargeysa Cabdi Xuseen Gaas ayaa hore isaga casilay xilkaasi, waxaana ka ogolaaday Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland