War Deg-Deg Ah: Gabadh Caawa Lagu Dilay Berbera Iyo Dhaawac Soo Gaadhay Wiil Uu Dhalay Xildhibaan Qabile

0
Friday April 11, 2014 - 21:50:39 in by salman abdi
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg-Deg Ah: Gabadh Caawa Lagu Dilay Berbera Iyo Dhaawac Soo Gaadhay Wiil Uu Dhalay Xildhibaan Qabile

    Ruux Dumar ah ayaa caawa lagu toogtay gudaha Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxayna u dhimatay rasaas habow ah sida la sheegay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ruux Dumar ah ayaa caawa lagu toogtay gudaha Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxayna u dhimatay rasaas habow ah sida la sheegay.

Ruuxa dumarka ah ayaa geeriyootay, ka dib markii ay la kulantay rasaas la sheegay inuu riday nin lagu Magacaabo Tabaarak, taasi oo uu isaga reebayey dhalinyaro uu ku jiray wiil uu dhalay xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, kuwaasi oo ku arkay gudaha Magaalada Berbera isla-markaana eryaday, iyaga oo u haysta rasaas uu hore ula beegsaday xildhibaan Qabile.

Sarkaal ka mid ah Ciidamada ammaanka, ayaa Afkashacabka.com u sheegay in rasaasta uu ninkaasi ku riday dhalinyaradu ay dishay gabadha, halka ay ka dhaawacday wiil uu dhalay xildhibaan Maxamed Faarax Qabile.



Afkashacabka.com
Berbera/Office
Contact@Afkashacabka.com