Xoghayaha Qaramada Midoobay Oo Magacaabay Ku Xigeenka Ergayga Soomaaliya

0
Saturday June 20, 2015 - 09:04:22 in by salman abdi
  • Visits: 586
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Qaramada Midoobay Oo Magacaabay Ku Xigeenka Ergayga Soomaaliya

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki- moon, ayaa Peter de Clercq u magacaabay ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki- moon, ayaa Peter de Clercq u magacaabay ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay u

qaabilsan Soomaaliya, kaas oo lagu bedelay Philippe Lazzarini oo hayay xilkaas.

Mr Peter oo u dhashay dalka Netherlands ayaa sidoo kale waxaa uu noqon doonaa madaxa laamaha Qaramada Midoobay u kala qaabilsan isku dubaridka gargaarka bani’aadminimo iyo horumarinta barnaamijyada ee UN-OCHA iyo UNDP ee Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay warbixinta ka soo baxday xafiiska Ban Ki-Moon,Mr. Lazzarini oo u dhashay dalka Switzerland ayaa loo magacaabay xidhiidhiyaha xafiiska wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Lebanon.

Xoghayaha guud ayaa Philippe Lazzarini ugu mahadceliyay shaqadii uu ka hayay Soomaaliya mudadii uu xilka hayay.

Mr. de Clercq ayaa waxaa uu inta muddo ah ka shaqeynayay hay’adaha Qaramada Midoobay, isagoo ka soo shaqeeyay dalal uu ka mid yahay Suudaan, waxaa uu 27 sano u shaqeynaayay laanta qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.


Bishii May ee sanadkan ayaa sidoo kale waxaa waqtiga loo kordhiyay xafiiska caawimaadda Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kaas oo la siiyay saddex libood oo dalka ay siin doonaan taageero dib u soo kabashada guud ahaan Soomaaliya.