Wasiirka Duulista Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray 20 Mashruuc oo Laga Hir galiyey Madaarka Hargeysa + SAWIRRO

0
Friday April 11, 2014 - 23:19:22 in by salman abdi
  • Visits: 1031
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Duulista Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray 20 Mashruuc oo Laga Hir galiyey Madaarka Hargeysa + SAWIRRO

    Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda Iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi Ayaa Maanta Xadhiga Ka Jaray Ku Dhawaan 20 Mashruuc Oo Lagu Soo Kordhiyey Madaarka Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda Iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi Ayaa Maanta Xadhiga Ka Jaray Ku Dhawaan 20 Mashruuc Oo Lagu Soo Kordhiyey Madaarka Hargeysa.

734537_1467903303426956_8868453915374190869_n1011120_1467903903426896_3612824792876099684_n1478909_1467903740093579_1012125576220440687_nWasiirka Duulisya Oo Ay Wehelinayeen Wasiirka Hawalaha Guud Iyo Guryeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Iyo Wasiiru Dawlaha Wasaarada Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees Ayaa Kormeeray Qaybaha Kala Duwan Ee Madaarka Cigaaal Airport Iyagoo Soo Maray Goobaha Laga Fuliyey Mashaariicdani Cusub.1904053_1467903496760270_7603460319202007167_n (2)1907286_1467903386760281_4000454644621232307_n10157271_1467903826760237_2085788415451699173_nWasiirka Duulista Iyo Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Kormeerkooda Ka Dib Saxaafadda La Hadlay Ayaa Faahfaahin Ka Bixiyey Mashaariicada Ay Maanta Xadhiga Ka Jareen Waxanu Yidhi " Mashaariicdan Aynu Saaka Soo Bandhignay Ee Aanu Furnay, Waxay Ahaayeen Laabatan Mashruuc Oo Bilihii Ugu Dambeeyey Aanu Hirgalinay, Ilahayna Nagu Garab Galay, Mashaariicdaas Waxaa Ka Mdi Ah Laba ETD Iyo Laba Mashiin Oo Kuwa Shandahaha Lagu Baadho Ah Oo Aan Dhiganay Alaabka Hore Si Dadka Iyo Alaabta Ay Sitdaan Loogu Baadho, Mishiinadaasi Hore Ayaanu Laba U Dhignay Oo Gudaha Madaarka, Laakin Waxaanu Garwaaqsanay In Baadhida Gudaha Maahee Mid Kale Loo Baahan Yahay Oo Waliba Xaga Dibada Ah, Taasi Oo Sare U Qaaday Amaanka Garoonka.”10172633_1467903703426916_4838490737959475098_n10172836_1467903290093624_2218307857466032450_n10176056_1467903483426938_3236840393857339757_n" Waxa Kale Oo Garoonka Ka Maqnaa Qalab Lagu Baadho Shandaha Dadka Soo Degayaa Ay Sidtaan, Qalabkaasi Ma Jirin, Imika Waanu Soo Kordhinay Qalab Baadhaya Wixii Alaab Laga Soo Galo Wadanka, Qalabkaasi Cashuurta Ayaanu Ku Ilaalin Doonaa, Qalabkeeni Wuxuu Qabtay Alabaa Laga Soo Baadhay Madaakra Jomo Kenyata Airport Ee Nairobi, Qalabkeena Ayaa Qabtay Waxana Ku Jiray Qalab Khatar Ah Oo Mindiyo Ay Ka Mid Ahaayeen, Waxan Taasi Muujinaysaa Tayada Alaabta Aynu Haysano, Waa Mishiino Looga Soo Iibiyey Jarmalka.”10245426_1467903653426921_1433255000029774345_n10246259_1467903313426955_4285043040718843817_nWasiirka Duulista Ayaa Sidoo Kalena Ka Hadlay Balaadhin Lagu Sameeyey Qaybta Dadku Ay Ka Dhoofaan Waxanau Yidhi " Waxaanu Balaadhin Qurxin Iyo Qaabayn Ku Samaynay Terminalka Laga Dhoofo, Qaybta Shandaha Lagu Miisaamo Waayo Dadkeena Dhoofaa Mar Walba Sare Ayey Ku Kacayaan, Marmaradii Ayaanu La Badnay Albaabo Cusub Oo Waaweyn Oo Quraado Ah Ayanau Ku Samaynay, Dabaq Ayaanu Ku Kordhinay Qaybtaas Laga Dhoofo, Waxa Hada Ay Qaadaysaa 750 Qof, Madaarka Waa Halka Ugu Cuslayska Badan, Waayo Dadku Saacado Ayey Fadhiyaan Oo Diyaarada Ku Sugayaan, Qaybtaasi Waxay Ahayd Markii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Tallada Dalka At Qabatay Meel Ay Fadhiistaan 50 Qof, Maanta Wuxuu Qaadayaa 750 Qof, Halkaas Waxaad Ka Garanysaa Sida Waxa Isu Badaleen, Waxa Kale Oo Oo Madaarkeenu Uu Qaadanyaa Oo Halkii Saac Gudihii Oo Ka Dhoofi Kara Kun (1000) Qof, Waa Meel Aynaan Hore U Gaadhin.”

Wasiirka Ayaa Sidoo Kalena Intaasi Ku Daray " Dhisme Cusub Ayaanu U Samaynay Mishiisnka Cusub Ee Alaabta La Soo Dagaysay Lagu Baadho, Waxa Kale Oo Aanu Dib U Dhis Ku Samaynay Qolka Mishiinka Alaabta Dadka Dhoofayaa Ay Sitaan, Sidoo Kalena Waxanu Samaynay Qol Cusub Oo Bussniss Tenter Noqonaya Qolkaas Oo Si Heersare Ah Aanu U Qalabaynay, Waxa Kale Oo Aanu Soo Kor Dhigay Laba Barkadood Oo Waaweyn Oo Biyaha Lagu Kaydiyo, Sidoo Kalena Waxa Aanu Dib U Habayn Ku Samaynay VIP-Yada Oo Qaabka Loo Galayo Iyo Halka Ay Albaabada Ku Leeyihiin Aanu Hagaajinay, Waxa Kale Oo Aanu Samayanay Jardiinooyo, Mudulayaal Iyo Meelo Ay Dadku Ku Nastaan Oo Ay Eheladooda Soo Dagaya Ku Sugaan, Waxa Kale Oo Aanu Sare U Qaadnay Heerka Nadaafada Madaarka Qaybihiisa Kala Duwan, Sidoo Kale Waxaanu Soo Kordhidnay Laba Mishiin Oo Kuwa Laydhka Dhaliya Ah Oo Oo Cusub, Kuwaas Oo Hadii Si Degdeg Ah Loogu Baahdo Aanu Ugu Talo Galanay In La Shito, Waayo Laba Layd Ayaanu Isticmaalnaa, Midi Waa Shirkada Kaah Kan Kale Waa Laydh Laga Dhaliyo Dabaysha Oo Aan Wax Kharash Ah Nagu Tagin Isagu.”

 

Wasiir Maxamuud Xaashi Ayaa Sidoo Kalena Waxa Uu Intaasi Ku Daray " Mashaariicdaasi Labaatanka Ah Ayaanu Hada Hir Galinay, Waxa Kale Oo Hada Noo Qorshe Ah Labaatan Kale Oo Mashruuc Oo Aanu Wakhtiga Xagaaga Samaynayo, Waxaas Oo Dhana Waxaanu Uga Golleenahay In Amaanka Madaarka Sare Loo Qaado, Sidoo Kalena Bilicsiida Aanu Wanaajino, Madaarkanu Wakhtigii Aanu Tallada Dalka Qabany Wuxuu Ahaa Category 2, Hada Waxaanu Gaadhiisanay Category 7, Waxana Aanu Hiiganaynaa In Aanu Wakhtiga Xagaaga Gaadhno Category 10, Heerka Ay Dajisya Haya’da Qaramada Midoobay U Qaabilsan Duulimaadyada Aduunka.”

Wasiirka Duulista Iyo Hawadda Somaliland Ayaa Geesta Kalena Sharaxaad Ka Bixiyey Qaabka Ay U Kala Horumariyeen Dhismaha Madaaradda Dalka Waxaanu Yidhi " Waxa Aan Jecelahay Inaan Is Dulqaato Garoomada Somaliland Anaga Waa Isku Kaayo Mid, Aniga Ayaana U Wada Wasiir Ah, Madaxweynaha Ugu Wakiil Ah, Gobalaysi Iyo Ka Dhawaysi Midna Ma Jiro, Laakiin Siyaasad Iyo Istaraatijiyad Aan Madaxweynaha Kala Tashaday Ayaanu Ku Kala Horu Marina Dhismahooda, Waayo Ma Lihin Awood Dhaqaale Oo Aynu Mar Ku Wada Dhisno, Way Fiicnaan Lahayn Inaynu Madaaradeena Mar Wada Dhisnaa, Mar Hadii Dhaqaalaheenii Xadidan Yahay Waxa Lays Waydiinayaa Keebaa Mudan? Dee Waxa Mudan Madaarka Caasimada, Waana Inuu Noqdo Garoon Qiimo Leh, Oo Aduunka Aynu Kala Xidhiidhno, Oo Laynoo Soo Maro, Anaga Oo Aan Madaarka Hargeysa Dhisin Kuwo Kale Ma Dhisi Karno, Madaarka Berbera Waa Madaar Meel Kula Yaala Marsadeena Caalamiga Ah, Waa Mid Sare U Qaadanaya Ganacsigeena Waa Garoon Sibidh Ah International Ah, Wax Caalami Ahna Isaga Ayeynu Leenahay, Kan Hargeysa Hada Ayeynu La Hiigsanahaynaa, Madaarka Muhiimada Sadexaad Noo Lihi Waa Ka Burco, Isagana Muhiimadiisu Maaha Wasiirka Ayaa Burco Ka Soo Jeeda, Iyo Burco Ayaa Wax Kale Kaga Duwan, Waa Garoon Ku Yaala Halka Sayladii Xoolaha Ee Geeska Afkira Ugu Weyni Ay Ku Taalo, Waxanau Ugu Talo Galanay Inuu Gobolad Bari Oo Dhan Habo, Waxanu Leenahay Bulshada Somaliland Waxanu Nahay Qaran Aan Wali Na Aqoonsan, Markaas Waa Inay Maalinta Madaar Dhisnaa Oo Qorshe Yeelnaa, Waxaan Arintaa U Xusayaa Wax Lagau Yaabaa In Dad Muwaadiniin Ahi Ay Wakhtiyada Qaar Khalad Ka Fahmaan Marka Aynu Ka Hadlayno Arinta Dhismaha Madaaradda.” Ayuu Yidhi Wasiirka Duulista Somaliland.

 

Mashaariicda Cusub Ee Madaarka Laga Hergaliyey

 

1. Qalab Jidhka Dadka Lagu Hubiyo, Laba ATD, Iyo Laba Mashiin Oo Cusub Oo Shandadaha Soo Dega Iyo Kadinka Dibeda Loogu Talo Galay In Lagu Baadho.

2. Balaadhin, Qurxin Iyo Qaabayn Lagu Sameeyey Terminal-Ka Laga Dhoofo.

3. Dabaq Sare Oo Lagu Kordhiyey Terminalka Laga Dhoofo, Kaas Oo Qaadi Kara Ugu Yaraan 500 Qof Oo Dheeraad Ah.

4. Dhisme Cusub Oo Loo Sameeyey Mishiinka Lagu Baadhayo Shandadaha Dadka Soo Degaya.

5. Dib U Dhis Lagu Sameeyey Goobta Lagu Baadho Shandadaha Dadka Dhoofaya.

6. Dhisme Cusub Oo Loo Sameeyey Dadka Transit-Ka Ah.

7. Dhisme Barkado Biyood Oo Laba Ah Oo Cusub.

8. Dib U Dhis Lagu Sameeyey Sky-Light-Ka Terminal-Ka Laga Dhoofo.

9. Dib U Habayn Lagu Sameeyey VIP-Yada,

10. Dhismaha Musqulo Cusub Oo Dibada Laga Hirgaliyey, Kuwaas Oo Loogu Talo Galay Dad Weynaha Sugaya Eheladooda Soo Degaysa

11. Boodhadh Iyo Calaamado Tilmaan Iyo Hagis Loogu Talo Galay Oo Madaarka Dhexdiisa Laga Hir Galiyey.

12. Laba Mishiin Laydh Oo Cusub (Back Up)

13. Kaadhadh Aqoonsi Cusub Oo Dhamaan Shaqalaha Madaarka Loo Sameeyey

14. Nidaam Sameecadeed Oo Lagu Gudbinayo Lagulana Socodiinayo Dadka Dhoofayaasha Iyo Soo Dagayaasha Xogaha Ay U Baahan Yihiin.

15. Taangiyo Biyood Iyo Qasabado Loogu Talo Galay In Lagu Waraabiyo Beeraha

16. Kuraas Cusub Oo Lagu Qalabeeyey Terminal-Ada, Iyo Xafiisyo Laga Hirgaliyey Madaarka

17. Internet Bilaash Ah Oo Loogu Talo Galay In Ay Dhoofayaasha Iyo Soo Dagayaashu Isticmaalaan Xiliga Ay Madaarka Gudihiisa Ku Nasanayaan

18. Isgaadhsiin Shaqaalaha Madaarku Ku Wada Xidhiidhaan (VGF Radio)

19. Beero Loogu Talo Galay In Ay Bilic Abuuraan

20. Adkeyn Iyo Sibdhin Lagu Sameeyey Dusha Terminalka Laga Soo Dego.



Afkashacabka.com 

Hargaysa/Office 

Contact@Akashacabka.com