Gudida Wanaag Farista Oo Hawl Galo Ay Sameyeen Ku Qabqabtay Dad Xaraan Ku Cunayay Magaalada Hargeysa +. Baad U Diray Dada Ka Shaqeeyea Ka Ganacsanaaya

0
Saturday June 20, 2015 - 15:20:19 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudida Wanaag Farista Oo Hawl Galo Ay Sameyeen Ku Qabqabtay Dad Xaraan Ku Cunayay Magaalada Hargeysa +. Baad U Diray Dada Ka Shaqeeyea Ka Ganacsanaaya

    Hargeysa(AFKA) 1Gudida wanaag Farista iyo Xumaan reebista Jamuuriyada somaliland ayaa Hawl Galo ay ku ilaalinayaan dadka Xaraanta kariya ka sameeyay Magaalada hargaysa,Kuwaas oo gacanta ku soo dhigay laba qof oo xaraan ku hor cunayay dadka sooman.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA) 1Gudida wanaag Farista iyo Xumaan reebista Jamuuriyada somaliland ayaa Hawl Galo ay ku ilaalinayaan dadka Xaraanta kariya ka sameeyay Magaalada hargaysa,Kuwaas oo gacanta ku soo dhigay laba qof oo xaraan ku hor cunayay dadka sooman.

Guddoomiyaha Gudida Sheekh Cabdiraxmaan Muxamed Cabdale ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo dadka dooxyada iyo meelaha qashinka ah ku kariya Xaraanta iyaga oo tilmaamay in heegan galiyeen gudi ka kooban Culimo iyo Ciidan kuwaas oo gaaf wareegaya Gudaha Magaalada Hargaysa.

Waxa uu tilmaamay in Qofka ay ku qabtaan Cunto isaga karinaya inta ay ka qadaan u gaynayaan dadka masaakiinta ah iyo kuwa dhakhtarada ku jira,qofkaasna sharciga lahor gayn Doono waxaana uu yidhi.

Halkan Waxa ay Gudida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Jamuuriyada somaliland Hawl Galada ay bisha ramadaan qabtaan waxa ka mid ah mid ay kula dagalamayaan xaraanta lakarinayo iyo dabka lashidayo ee beenta,Marka hore qofka Lagu qabto Xaraanta waxbaanu u sheegnaa waanan u nasteexaynaa hadii ay diidaana waanu qabanaa sharcigan waanu ku fulinaa,shacabka somaliland waxaanu ka codsanaynaa in ay Lanbarada Xafiiska Soo garacaan haday Arkaan Halka Meel dab xaraan Ah laga shidayo.

Guddoomiyaha Gudida wanaag Farista iyo Xumaan reebista Jamuuriyadda somaliland oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray.”Qolada Qaad layaasha Ah waxaan leeyahay iibkiisa iyaga ayay jirtaa kaas ka hadli mayno lakiin Marfash Ah oo Maalintii qaad lagu cunayo hadaanu u nimaadno nasteexo ayaanu siinaynaa hadii ay diidaan sharciga ayaanu horgaynaynaa.

Sheekh Cumar oo isna ka Mid Ah sheekhyada waawayn ayaa ka hadlay Xukunka Qofka Lagu qabto isaga oo xaraan iibinaya iyo hawl Galka ay sameyeen Gudidu ila hada waxa ay ku soo qabteen waxaan uu yidhi "bisha Ramadaan janada waa lasii qurxiyaa Cadaabtana waa laxidhaa,rasuulkuna waxa uu sheegay in ay janadu leedahay albaab layidhaa rayaan marka ay dadka soomani galaana waa laxidhaa,qofka somaanina waxa uu leeyahay laba farxadood marka uu ilaahay lakulmo aad ayuu u farxayaa marka uu afurana aad ayuu u farxayaa,waxaanan idin leeyahay ilaahay u sooma oo joojiya xaraanta aad ku karinaysaan meelaha aan munaasibka ahayn,qofkasta oo muslim ah waxaana faraynaa inuu ilaahay u toobad keeno una cibaadaysto kana mid noqdo dadka janada galaya.

Sheekh Cumar waxa uu tilmaamay in Qofkasta oo muslim Ah ku waajib tahay inuu soomo isaga oo ilaahay raxmad kaga doonaya,Bulshada u diyaar garawday in ay Xaraanta Kariyaan waxa uu faray in ay toobad keenaan ciidanka booliskuna waxa uu ku macneeyay qaar u taagan ilaalinta meelkasta oo dab xaraan Ahi ka baxayo. Sheekh ismaaciil ayaa isna ka shekeeyay Bisha ramadaan iyo kormeerada ay sameyeen ilaa hada waxa ay qabteen isaga oo sheegay in Hal qof qaad cunayay ay Xabisga dhigeen markii uu ka soo horjeestay Nasteexada iyo Wanaag ay Fareen waxaana uu yidhi.

"Sanadba sanad sida ay uga sii dhaceyeen,Markii aanu isla rafaadna ee wixii ay weel hayeen Raafna ee iyaga Xidh-xidhnay ee qofkii khasaare ka bixi waayay ee sanad kasta khasaare u joog noqdeen way iskaga baxeen,Hilib geelkii ayaa joogsaday markii Aanu hawl galka Qaadna,hadan sanadkii danbe Hilib adhigii ayaa isna joogsaday markii hawsha joogtayna,Bariiskii iyo Baastadii ayaa isna joogsaday sanadkii ku xigay,Saanbuusihii iyo Quracii isna waanu latacaalnay,waxa noo xigay raashin safari ah oo dumarku tunka ku soo qadaan kuwaasna waanu cidhib tirnay.

Intaaxa waxa uu ku daray skeeh ismaaciil.”Sanadkan aynu maanta joogno ilaa masalaha ilaa haleeya meelkasta waanu soo marnay saaka,gaadhigaas iyo askartaas ayaa wareegayay meel hada sanadkan dab lagu shidayo maanu arag,Nin qaylaya mooyaane cid kale maanu arag kaasna waanu xidhnay,Mid quraax iyo biyo dad dhan oo muslim Ah ku dhex cunaya isna waanu soo xidhnay,waxaanu u sheegaynaa dadka muslimiinta ah qofna gardaro lagu qaban maayo,dad islaam Ah ayaynu nahay ee aynu ilaalino xaraanta.

Bisha Barakaysan ee Ramadaan maanta waxa ay tahay saddex gudida wanaag farista iyo Xumaan Reebista Jamuuriyada somaliland waxa ay u taagan yihiin sidii ay u ilaalin lahayeen dadka xaraanta Ku karinaya waxana ay wareegayaan Dhamaan Qaybaha Kala duwan ee Magaalada Hargaysi ka Kooban tahay,

Cabdirisaaq Koronto
Afkashacabka
Hargeysa/Office
Contact use
Koronto935@gmail.Com