War Deg Deg Ah: Neymar Oo Seegi Doona Dhamaan Kulamada Ka Hadhsan Copa America Kadib Ganaaxay lagu Riday Maaxase Sababay?

0
Saturday June 20, 2015 - 16:59:23 in by Burco Office
  • Visits: 971
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah: Neymar Oo Seegi Doona Dhamaan Kulamada Ka Hadhsan Copa America Kadib Ganaaxay lagu Riday Maaxase Sababay?

    Hargeysa(AFKA)Neymar JR ayaan gabi ahaan ciyaari doonin Copa America xitaa hadii Brazil ay gaaDdho kama dambeysta tartankaan madama afar kulan oo ganaax ah gadha loo galiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA)Neymar JR ayaan gabi ahaan ciyaari doonin Copa America xitaa hadii Brazil ay gaaDdho kama dambeysta tartankaan madama afar kulan oo ganaax ah gadha loo galiyay.


Kabtanka Brazil ayaa casaan la siiyay kulankii ay guuldarada kala kulmeen Colombia dhawaan waxaana markii hore la ganaaxay hal kulan balse xal looma arkin oo waa la kordhiyay, sidoo kalana ganaax 10,000 kun Doolar ayaa loogu daray.

Neymar JR waxaa lagu helay dambi ah inuu aflagaadeeyay garsoorahii ciyaartaasEnrique Osses isagoo ku sugay tunel-ka ay ciyaartoyda kasoo galaan.

Dhanka kaleCarlos Bacca oo qeyb ka ahaa rabshadii ka dhacday garoonka ayaa isna la ganaaxay laba kulan sidoo kalana laga doonaya lacag dhan 5,000 kun Doolar.

Brazil waxey heysataa fursad ay racfaan kaga qaadan karto ganaaxaan culus ka hor kulanka ay la ciyaari doonto Venezuela oo ah kulanka ugu dambeeya groupka.

Neymar wuxuu ciyaarta ka sameeyay sheeko aan fiicnen madama uu kubad isku dayay inuu gacanta kaga dhaliyo Colombia taasoo kaarka jaalaha lagu siiyay sidoo kalana wuxuu kubad ku darbeeyay Armero dhamaadkii ciyaarta isagoo sidoo kale madaxa ku hertiyayJeison Murillo.

Cabdirisaaq Koronto
Hargeysa/Office