Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Oo Ka Hadlay Hakadka Ku Yimid Fiisaha Dal Ku Galka Itoobiya Iyo kulan Loo Ballan Sanaa Oo Baaqday

0
Saturday June 20, 2015 - 21:03:01 in by salman abdi
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Oo Ka Hadlay Hakadka Ku Yimid Fiisaha Dal Ku Galka Itoobiya Iyo kulan Loo Ballan Sanaa Oo Baaqday

    Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka hadslay hakadka ku yimid Fiisaha waddanka Itoobiya lagu galo ee Somaliland oo maalimihii u dambeeyey ay dadka doonaya inay u socdaalaan waddankaasi cabasho xoogan ka muujin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka hadslay hakadka ku yimid Fiisaha waddanka Itoobiya lagu galo ee Somaliland oo maalimihii u dambeeyey ay dadka doonaya inay u socdaalaan waddankaasi cabasho xoogan ka muujinayeen.

Wasiir Biixi oo la hadlayey voa ayaa waxa uu sheegay in ay jirto hadakadkaas yari balse aanay jirin wax biska bedelay xidhiidhkii Somaliland iyo Itoobiya oo uu ka sii wanaagsan yahay hadda, isaga oo meesha ka saaray inay fiisayaashan go’ani yihiin qaar salka ku ahaya wax iska bedel ka jira dhinaca xidhiidhka labada waddan.


Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "Dawladda Somaliland iyo Itoobiya wa laba waddan oo jaar ah, waxa kala go’ay qaraaqihii lagu dhajinayey fiisaha oo way noo soo warameen waanay noo soo sheegeen Itoobiya, Umadda Somaliland-na waanu u sheegnay inay waxa hakiyey tahay Waraaqahaas, waxaanay noogu ballan qaaden inay dedejinayaan oo dadkii waxaananu filaynaa inay hawshaasi dhamaatay:

Wasiir Biixi oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey "Xidhiidhka labada waddan aad ayuu u wanaagsan yahay intii horena wuu ka sii wanaagsan yahay, xidhiidhka Dawladda Somaliland iyo itoobiya waa mid taariikhiya, waa mid waaltinimo leh oo aanu aad isgu dhaw nahay, wax dhibaato ah oo ka dhici kara labada waddan dhexdooda ma jirto, waxaan qabaa waa dadka aanu dad isgu dhawnahay oo mararka qaar hakadkaas yari wuu dhici karaa, laakiin wax isbedl ah oo ka dhacay xidhiidhka labada dal ma jiro oo waxaan odhan karaa waa uu sii xoogaystay”

Maxamed Biixi Yoonis Waxa uu sheegay inuu baaqday shir loo ballan sanaa bishan aynu ku jiro oo dib loo dhigay waxaanuu yidhi "Kulankaasi waxa uu ahaa inuu bishan labadeedii dhaco oo loo ballan sanaa, laakiin dib ayaanu u dhignay oo waxa nagu soo kordhay bisha Ramadaanta, waanu ka ballan sanahay, waxaanu u ballansanahay bisha Julay 7-deeda shir ka dhici doona Nairobi oo lagaga hadlayo mashruuca Wajaale ee Berbera Coridor, waxaana qabatay Eu-da waxaanay u ballan sanyihiin illaa Wolbanka in la kulmo wakhtigaas oo lagaga hadlo arrintaasi”

Ugu dambayna waxa uu wasiir biixi sheegay "Cilaaqaadka Somaliland iyo Imaaraadku aad ayuu u xoogaystay oo waxa uu casuumad ka helay madaxda waddankaas, waxaanu aragnay walaaltimo iyo galgacal badan ayaa ka muuqatay, sheekhuna waxa uu yidhi dad walaalo ah oo kala maqnaa ayeynu ahayn, laakiin hadda way is helnay, waxaanay noo ballan qaadeen mashaariic badan” ayuu yidhi wasiir biixi


Contact@afkashacabka,com