Natiijada Kamadanbaysta ah Ee Doorashooyinki Dalka Itoobiya Oo Lagu Wado In Malinta Isninta La Shaaciyo

0
Sunday June 21, 2015 - 22:09:02 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijada Kamadanbaysta ah Ee Doorashooyinki Dalka Itoobiya Oo Lagu Wado In Malinta Isninta La Shaaciyo

    Guddida doorashada Itoobiya ayaa ku dhawaaqi doona natiijadii doorashadii bishii hore ee dalka Ethiopia, taas oo isugu jirtay baarlmaanka dalka ee guud iyo kuwa ismaamulada dalkaas. Guddida ayaa sheegtay in dhammaan la tiriyay codadka la dhiibtay, si

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida doorashada Itoobiya ayaa ku dhawaaqi doona natiijadii doorashadii bishii hore ee dalka Ethiopia, taas oo isugu jirtay baarlmaanka dalka ee guud iyo kuwa ismaamulada dalkaas. Guddida ayaa sheegtay in dhammaan la tiriyay codadka la dhiibtay, sidadarteedna natijadii rasmiga ahayd lagu dhawaaqi doono Isniinta oo bishu tahay 22-ka June.


Waxaa xusid mudan, in natiijo hordhac oo bishii hore la soo bandhigay ay guusha siisay xisbi xaakimka EPRDF iyo xisbiyada jaalka la ah kuwaas oo ku guuleystay 442 kursi oo ka mid ah 547 kursi ee baarlmaanku ka kooban yahay.Ugu yaraan 2 urur oo ka tirsan mucaaradka ayaa natiijadaas gaashanka ku dhuftay iyaga oo sheegay in xisbiga talada haya iyo taageerayaashoodu ay guushoodu ku timid hantadaad iyo gacan-ka-hadal loo geystay taageerayaasha xisbiyada mucaaradka ku ah xukumadda.


 

 

Xukuumadda Itoobiya ayaa eedaymahaas iska fogeysay iyada oo sheegtay in muucaradku ku guuldareysteen in ay soo bandhigaan qorshe iyo siyaasad quman oo ay codbixiyaasha ku soo jiitaan.

Goobjoogaayaasha Midowga Afrika, oo ah kormeeryaasha kaliya, ayaa sheegay in doorashadu u dhacaday si nabadgalyo ah oo macquul ah, balse waxa ay ka gaabsadeen kalamadaha ‘ xor iyo cadaalad’ in ay doorashadu u dhacday.

Sidoo kale, wadamada reer Galbeedka ayaa boogaadiyey in ay doorashadu ku dhamaato si nabdgalayo ah iyaga oo go’aankooda kama dambeysta ah ee ku aadan doorashada la sugaya natiijada rasmiga ah.

Gollaha doorashada ayaa waxaa kale oo uu soo bandhigayaa tirda guud ee codbixiyaasha yo ismaamuulada dalka.




Contact@afkashacabka.com