Xildhibaan Nacnac oo Madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay Shakhsi an aqoon dhaqana u lahayn Musuqa, Xanta, Qabyaalada iyo Beenta,

0
Saturday April 12, 2014 - 08:34:54 in by Super Admin
  • Visits: 860
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Nacnac oo Madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay Shakhsi an aqoon dhaqana u lahayn Musuqa, Xanta, Qabyaalada iyo Beenta,

    "Madaxweynuhu waxa uu yahay nin aan musuq maasuq iyo qabyaalad midnaba aqoonin, ilaa halgankii ayaan la shaqaynayay, xitaa madaxweynuhu ma yaqaano xanta"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweynuhu waxa uu yahay nin aan musuq maasuq iyo qabyaalad midnaba aqoonin, ilaa halgankii ayaan la shaqaynayay, xitaa madaxweynuhu ma yaqaano xanta"

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) ayaa sheegay in beesha uu ka soo jeedo Mulkiilaha Wargeyska Madaxa banaan ee Haatuf looga baahan yahay in ay qabtaan isla markaana raali gelin iyo waliba xaal isugu daraan meelaha uu wax ka sheegay.

Waxa uu xusay in madaxweynaha Somaliland xukuumadiisu aanay aqoonin musuq-maasuqa iyo waliba wax isdaba marinta.

Sidoo kale waxa uu ka jawaabay eedo ay xukuumada u soo jeediyeen Mujaahidiinta ku Bahoobay Madasha Wadatashiga iyo toosinta qaranka, Waxaanu sidaasi ku sheegay mar uu goor dhaweyd la soo xidhiidhay shabakada Hadhwanaagnews, waxaanu yidhi "Guddoomiyaha wargeyska haatuf maalmo badan ayuu madaxweynaha iyo xukuumaddiisa aflagaado u geysanayay oo uu lahaa waxbaa la cunayaa. Wasiirada beesha uu ninkaasi ka soo jeeda waxa aanu ku nidhi waar ninkaasi dadka ha laga qabto, waad ogayd Barigii dhaweyd ee urur siyaasadeedka xaqsoor uu dhacay waanigii idhi wuu dhacay, waa la I shiiday laakiin markii aan ka hadhi waayay waa kuwii shahaado sharaf I siiyay, markaa waxa aan leeyahay beelaha xukuumada mansabyada ka haysata dadkiina caytamaya ee kibiraya ee laaluushka doonaya qabta, Sacad muuse inta degta Oogadu waa dad fiican, waxa aad ka war haysaan berigii dhaweyd ee uu bashiir tukaale wax sheegay, sidii ay u isaga qabteen, markaa Beesha Nuux Ismaaciil Ee Uu Ka Soo Jeedo Mulkiilaha Haatuf waxa aan u soo jeedin lahaa in ay qabtaan inankood. Waa dad aanu walaalo nahay oo aanu magaalo ku wada dhaqanahay, waxaanan walaaladay leeyahay ha la qabto ninkaasi.

Xildhibaanku Waxa uu shaaciyay in aanu madaxweynaha Somaliland aqoonin musuq-maasuqa iyo waliba wax isdaba marinta "Madaxweynuhu waxa uu yahay nin aan musuq maasuq iyo qabyaalad midnaba aqoonin, ilaa halgankii ayaan la shaqaynayay, xitaa madaxweynuhu ma yaqaano xanta, waxa aan leeyahay wixii aanu qofku u qalmin waa in aan lagu sheegin” ayuu yidhi

Mar uu u jawaabayay Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wadatashiga iyo toosinta qaranka waxa uu yidhi ”Qolada madasha waxa aan leeyahay wadankii aad u soo halganteen u tudha oo dadka buuqa ka daaya, hadii aad Madasha wada tihiin, kan aad u dhaaranaysaan waa kii ugu weynaa mujaahidiinta, waxa aan idin leeyahay walaaloyaal wadanka buuq ha inaga gelinin, aduun weynuhu wuu inoo soo jeedaa, maamulka Somaliland waxa uu qabtay waad aragtaan, intii ay Somaliland jirtay sanadahan uun baa wax la qabtay.,

Lacagtii waad aragtaan, Shiidaalkii oo la soo saarayo ayaad aragtaan, markaa waxa aan leeyahay walaalo yaal buuqan iyo wax baa dhici doonanada aad hadh iyo habeenba la soo taagan tihiin ina joojiya” ayuu hadalkiisa ku soo koobay.

 





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com