Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Hargeysa ku so DHoweyey Wefti Ka Socda Jaamacadda Al-Azhar Oo Dalka U Yimid Soo Nooleynta Xidhiidhka Somaliland & Masar

0
Monday June 22, 2015 - 08:05:56 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Hargeysa ku so DHoweyey Wefti Ka Socda Jaamacadda Al-Azhar Oo Dalka U Yimid Soo Nooleynta Xidhiidhka Somaliland & Masar

    Magaalada Hargeysa waxa maanta lagu soo dhaweeyay wefti ballaadhan oo ka socda dalka Masar, gaar ahaan Jaamacadda Al-azhar ee Magaalada Qaahira,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Hargeysa waxa maanta lagu soo dhaweeyay wefti ballaadhan oo ka socda dalka Masar, gaar ahaan Jaamacadda Al-azhar ee Magaalada Qaahira,

waxaana la sheegay in weftigaasi ay Somaliland u yimaaddeen inay dadweynaha ku wacyi-geliyaan ahmiyadda bisha Ramadaan.

Weftigan waxa Magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo awqaafka Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ku xigeenkiisa iyo culimada dalka qaarkood.

Wasiir Khaliil oo saxaafadda u faahfaahiyey ujeeddada weftiga ka socda Jaamacadda Al-azhar ayaa yidhi "Weftigani waxay inooga yimaaddeen dalka Masar, gaar ahaan Jaamacadda Al-azhar, waxaana soo direy imaamka Al-azhar, waayo innaga ayaa codsigayagu ahaa inaanu dib u soo celino ilaaqaadkii dhinaca waxbarashada ee ka dhexeeyay Masar iyo Somaliland iyo khayrkii ay weligoodba wadi jireen”

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, oo sii hadlaya ayaa sheegay in Somaliland iyo Masar ay weligoodba lahaayeen xidhiidh soo jireen ah "Xidhiidhka Somaliland iyo Masar weligiiba wuu jiray, sidaad xasuusataanna waxa Magaalada Burco laga dhisay sanadkii 1956-kii dugsiga Jamaal Cabdi Naasir, Hargeysa lafteeda waxa jiray Machadka Cumar Binu Khaddaab oo ay wax ka dhigi jireen culimo Azhariyiin ahi..” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "inta Somaliland xornimadeeda dib ula soo noqotey waa markii koowaad ee culimo ka socota Al-Azhar ay dalka yimaaddaan”

Al-azhar

Xubno ka mid ah weftiga Masar ka socda oo iyaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay shacabka reer Somaliland salaan iyo duco uga sidaan Sheekh Al-azhar. Waxayna intaasi ku dareen inay u socdaan sidii loo soo celin lahaa xidhiidhkii Diineed iyo dhaqan ee ka dhexeyn jiray Somaliland iyo Masaarida.