Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ciyaaraha Oo Furay Tartanka Koobka Ramadaanta Ee Garoonka Badhtamaha + Sawirro

0
Monday June 22, 2015 - 08:38:43 in by salman abdi
  • Visits: 903
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ciyaaraha Oo Furay Tartanka Koobka Ramadaanta Ee Garoonka Badhtamaha + Sawirro

    Waxaa wada ciyaaray kooxaha Aragsan iyo Damal, waxaana 4-6 ay guushu ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay Aragsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa wada ciyaaray kooxaha Aragsan iyo Damal, waxaana 4-6 ay guushu ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay Aragsan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee wasaaradda duulista iyo hawadda Md. Cumar Cabdi Aadan (Cumar-Sayid) ayaa ka furay garoonka dooga mac-malka ah ee Badhtamaha tartan kubadda cagta ah oo bisha Ramadaan ah.


Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa aad ugu mahad-celiyay dhallinyarta soo qaban-qaabisay tartankan iyo weliba shirkadda Somaliland Horn Group, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa "Maanta waxaan garoonkan quruxda leh ee doogga mac-malka ahi uu yaalo inooga furmi doona mid ka mid ah tartamada bisha Ramadaan loogu talo-galay, runtii ka wasaarad ahaan waanu soo dhawaynaynaa in garoomada ceynkan ah ee caasimadda ku yaala laga furo tartamo, maadaama garoomadani ay kaga duwan yihiin xagga nabad-galyada iyo weliba ciyaartoyda oo aanay soo gaadhayn dhaawacyada dirrida iyo camuuda. Shirkadda Somaliland Horn Group aad iyo aad ayaan ugu mahad-naqaynaa, dee dhismayaasha uun baanu ku naqaanay hadday dhanka ciyaarahana u soo jeestay waanu soo dhawaynaynaa ugana mahad-naqaynaa. Maamulka shirkadu waa kuwo ciyaaraha u heelan oo waxaaba qorshaha ugu jira inay koox heerka labaad ah samaystaan taasna waanu ku bogaadinaynaaā€¯ ayuu yidhi Agaasime Dhabeeye.
Tartankan oo ay maal-gelisay shirkadda Somaliland Horn Group ayaa waxaa ku loolami doona 12-kooxood ayaa waxaa furitaankiisi ka soo qeyb-galay dadweyne aad u tiro badan iyo weliba kooxihii tartankan lagu furay. Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha kooxda kubadda cagta ee Duulista iyo Hawada Mr. Cumar Cabdi Aadan oo isagu qaban-qaabada iyo qabsoomida tartankan gacan ka gaystay, waxaana uu ka war-bixiyey tartankan iyo kooxaha ka qeyb-galay iyo sidoo kale in bisha Ramadaan dadka soomani ay u soo daawasho tagaan isagoo sidoo kale uga mahad-celiyay shirkadda Somaliland Horn Group qabsoomida tartankan.

 

Ugu dambeyntii waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Duulista iyo Hawadda Md. Cumar Cabdi Aadan (Cumar-Sayid) "Waxaanu ka faraxsanahay inaanu ka soo qeyb-galno furitaanka tartankan anigoo aad iyo aad ugu mahad-naqaya shirkadda Somaliland Horn Group oo aanu wada shaqayn leenahay, waa wax wanaagsan in ciyaaraha iyo dhallinyaradana la dhiiri-geliyo ka wasaarad ahaana annaga dhanka ciyaaraha iyo dhallinyarada wasaarada ciyaaraha uun baa nagaga horeysaa. Shirkada Somaliland Horn Group-na waxaan leeyahay waad dedaasheen ee halkaas ka sii wada dedaalkiinaā€¯ ayuu yidhi Agaasime Cumar-Sayid.

Tartankan oo ay daawashadiisa ka soo qeyb-galeen dadweyne tiro badan ayaa kulankii furitaanka w

Waxaa wada ciyaaray kooxaha Aragsan iyo Damal, waxaana 4-6 ay guushu ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay Aragsan.