Nin Shacab ah oo Askar Waaran u Siday ku Toogtay Hargeysa Kaddibna Baxsaday

0
Monday June 22, 2015 - 14:00:25 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Shacab ah oo Askar Waaran u Siday ku Toogtay Hargeysa Kaddibna Baxsaday

    Haregysa(Afka)Hal Askari ayaa ku geeriyooday mid kalana waa dhaawac ka dib markii nin shicib ah rasaas ku furey askar la sheegay inay u sideen waaran qabasho oo ka soo baxday maxkamadda degmadda Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haregysa(Afka)Hal Askari ayaa ku geeriyooday mid kalana waa dhaawac ka dib markii nin shicib ah rasaas ku furey askar la sheegay inay u sideen waaran qabasho oo ka soo baxday maxkamadda degmadda Hargeysa.


askartan ayaa u dhiibtay ninkan lagu eedeynayo inuu dilka geystay waraaqda waaranka ah ee qabashadda ee maxkamadda usoo jartay, haseyeeshee intuu gurigii dib ugu noqdayayuu soo qaatay Bastoolad ka dib labaddii askari midna qudha kaga jaray kii kalana dhaawacay.

"Waxay ahayd xaafadda Idaacadda meesha falkaasi ka dhacay, waxaana dhintay nin Askari ah iyo midna waa dhaawac, ninkii falkaas geystayna lama hayo” ayuu yidhi Guddoomiyaha Degmada 26-ka June Cabdiqaadir Axmed.

Meydka Askarigii geeriyooday ayaa la dhigay Qolka Meydka ee Cisbitaalka Hargeysa, halka kii dhaawaca ahaan xaaladdiisa lala tacaalayo.

Booliiska ayaa la sheegay inay ku hawlan yihiin soo qabashada eedaysanaha oo goobta dilku ka dhacay ka baxsaday, waxaana la sheegay in la xidhxidhay odayaal eheladiisa ah.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo booliska Somaliland ka soo saaray dhacdadan aan looga baran dadka shacabka ah iyo booliska inay ka dhex dhacdo. 

C/risaaq Koronto
Hargeysa/Office