Kenya oo ka Doonaysa Beesha Caalamka in ay ka Taageerto Dib u celinta Qaxootiga jooga dalkeeda

0
Monday June 22, 2015 - 14:04:18 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo ka Doonaysa Beesha Caalamka in ay ka Taageerto Dib u celinta Qaxootiga jooga dalkeeda

    Dowlada Kenya ayaa waxey ka codsatay Beesha Caalamka & dalalka deeqaha bixiyo inay ka taageeraan qorshaheeda ku aadan dib u celinta qaxootiga tirada badan ee ku sugan wadankeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Kenya ayaa waxey ka codsatay Beesha Caalamka & dalalka deeqaha bixiyo inay ka taageeraan qorshaheeda ku aadan dib u celinta qaxootiga tirada badan ee ku sugan wadankeeda.


Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Joseph Nkaissery, ayaa sheegay in Dowladdiisu ay u hoggaansami doonto shuruucda caalamiga ah ee quseeyo dadka magan-galyo doonka ah, balse ay u baahan yihiin in si nabad ah qaxootigaas ay dib ugu noqdaan wadamadii ay ka yimaadeen.

Wuxuu intaas ku daray in dowlada Kenya ay marti galin doonto oo kaliya qaxootiga la ogaado in xaaladoodu ay tahay mid khatar ah, isla markaasna anan awoodi kareynin iney dib ugu noqdaan meelihii ay ka yimaadeen sababo ammaan dartood.

"Xukuumadda ahaan kama laba labeyneyno in aan ka musaafurino dalkeena cid kasta oo ganacsi ku raadineyso magaca Qaxootiga iyo dadka ku howlan falal dambiyeedyo ay ka mid yihiin argagixisada", ayuu yiri Nkaissery oo intaas ku daray in xukuumaddiisu ay diyaarineyso siyaasad qaxooti quseyso taasoo sharcigeeda ay eegi doonaan aqalka sare ee Senate-ka Kenya.

Dhanka kale, hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, ayaa ku soo beegmaayo ayadoo Sabtidii aynu soo dhaafnay oo taarikhdu ay ku beegneyd20-ka June, looga dabaal-dagay Kenya Maalinta Qaxootiga Adduunka.Waxeyna ka dhacday xaflad munaasabadaas ku saabsana Xerada Qaxootiga Kakuma ee ku taallo waqooyi galbeed dalka kenya.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Kenya, ayaa hada waxey u ololeyneysaa in la xiro labada xeryaha qaxooti ee ku yaalla Kenya, kuwaasoo kala ah xerooyinka Kakuma iyo Dhadhaab - ka dib markii ay sheegtay in laga soo maleego weerarada ka dhaco dalkeeda.

Wadanka Kenya, ayaa waxaa ku yaallo Xerada qaxootiga ee aduunka ugu weyn, wuxuuna marti galiyaa dad magangalyo doonayaal ah oo ka soo kala jeedo dalalka; Somalia, Eritrea, Itoobiya, South Sudan, Congo, Burundi, Rwanda iyo wadamo kale.