Madaxweynaha somaliland oo marki u horeysay kajawaabay Su'aal laga waydiiyey Khilaafka sharci ee u dhexeya xisbiyada iyo guurtida e ka dhashay Muddokordhinta

0
Monday June 22, 2015 - 14:22:31 in by salman abdi
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha somaliland oo marki u horeysay kajawaabay Su'aal laga waydiiyey Khilaafka sharci ee u dhexeya xisbiyada iyo guurtida e ka dhashay Muddokordhinta

    Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo hogaaminaaya Xubno ka mida Golihiisa wasiirrada ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo hogaaminaaya Xubno ka mida Golihiisa wasiirrada ayaa

shalay safar shaqo ugu kicitimay Dalka Ethiopia ee aynu jaarka nahay, halkaasi oo ay martiqaad rasmi ah ka heleen Raisal wasaaraha EthiopiaHailemariam Desalegn.

Weftiga Madaxweynaha ayaa intii aanay ka dhoofin garoonka diyaarahada ee Cigaal International Airport waxa uu madaxweynuhu saxaafadda xog ka siiyey ujeeddada socdaalkiisa, isaga oo sheegay madaxweynuhu in uu martiqaad rasmi ah ka helay raisal wasaare Desalegn kana wada hadli doonaan arrimaha labada dal ka dhexeeya ee la xidhiidha Amniga mandaqada geeska afrika, iyo sii xoojinta xidhiidhka labada dal.

Madaxwaynaha oo sharaxaya ujeeddada socdaalkiisa ayaa yidhi "Waxa Farxad ii ah inaan sheego inaanu safar ugu baxayno dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, safarkaasi oo muddo gaaban ah. dalka Itoobiya waa dal weyn oo aynu jaar nahay, waxaanu wada hadli doonaa Madaxdiisa, maadaama oo ay innaga dhaxeyso wax wada qabsi badan, jaarnimo iyo baahi badan. Markaa waa waajib in markii muddo la joogaba in la is xog ogaado oo xog ogaal la isku noqdo oo la wada hadlo, oo danaha labada dal laga wada hadlo, markaa waxaanu rajeynaynaa in ILAAHAY safarkaa nagu guuleeyo..”

Madawaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo la waydiiyey mowqifka xukuumaddiisa ee khilaafka ka taagan muddo kordhinta ayaa ku jawaabay "Dalku sharci iyo nidaam buu leeyahay, cidbaa qaabilsan hawlaha caynkaas ah, markaa sharcigu wuxuu yahay ayuun baa la raacayaa”ayuu yidhi.