Daawo: Sh. Yusuf Cabdi Cawed iyo Jamal Xiinwaal oo kaalmo lacag iyo Timir isugu Jirta ku wareejiyey Qoysas Danyar iyo Dad xanusanaya isugu jira

0
Monday June 22, 2015 - 14:57:46 in by salman abdi
  • Visits: 842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Sh. Yusuf Cabdi Cawed iyo Jamal Xiinwaal oo kaalmo lacag iyo Timir isugu Jirta ku wareejiyey Qoysas Danyar iyo Dad xanusanaya isugu jira

    Sh. yusuf cabdi cawed oo ka mida culimada gobolka togdheer, Guddomiyaha Guddiga Cisbitalka Maandhaye Jamal Xiinwal iyo Guddomiyaha Xaafadda Aktobar ee magaalada Burco Qadan Cali dheere ayaa si wada jira Kaalmooyin Lacag iyo Timir isugu Jirtay Gaadhsi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sh. yusuf cabdi cawed oo ka mida culimada gobolka togdheer, Guddomiyaha Guddiga Cisbitalka Maandhaye Jamal Xiinwal iyo Guddomiyaha Xaafadda Aktobar ee magaalada Burco Qadan Cali dheere ayaa si wada jira Kaalmooyin Lacag iyo Timir isugu Jirtay Gaadhsiiyey
Qoysas Danyar ah oo Dad Xanuusanaya ku haya Guryahooda isla markaasna u baahan Kaalmayn iyo Gargaar bini aadanimo, waxana in ka badan 25 Qoys La gaadhsiiyey Lacag ay soo direen haweenka walaalaha Togdheer ee Waddanka Ingiriiska iyo Boqol kartoon oo Timir ah oo ay soo Direen Dad samafalayaal ah oo ku sugan waddanka
Imaaraatka.

Dadka Xanuunsanaya Ee kaalmooyinkan la gaadhsiiyey oo muuqaalkooda iyo xaaladooda nololeed ba aad looga argagaxayo qof kasta oo damiir lihina
uu ka damqanayo ayaa dhammantood ku nool xaafadda Aktoobar ee magaalada Burco, wa kuwan sh. yusuf cabdi cawed,jamal xinwal iyo qadan cali dhere
oo ka warbixinaya duruufaha dadka xaafaddan ku nool iyo kaalmada ay gadhsiiyeen.