Nin Maxkamada hargeysi xukuntay oo Askartii Waaranka u Sidey Madaxa Ka toogtay

0
Monday June 22, 2015 - 15:05:42 in by salman abdi
  • Visits: 804
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Maxkamada hargeysi xukuntay oo Askartii Waaranka u Sidey Madaxa Ka toogtay

    Dil aad u argagax badan, ayaa Xaafad ku taalla Gudaha Magaalada Hargeysa Maalintii shalay loogu geystay Askari katirsan Ciidanka Booliska,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dil aad u argagax badan, ayaa Xaafad ku taalla Gudaha Magaalada Hargeysa Maalintii shalay loogu geystay Askari katirsan Ciidanka Booliska,

 iyadoo Mid kalena la dhaawacay, waxana dilkaas geystay Nin ay ciidanku u sideen Warqad soo qabasho oo maxkamdda kasoo baxday.

Sida ay goob-joogayaashu u xaqiijiyeen Wargteyska Hubaal, waxa dhacdadani ka dhacday Guri ku yaalla Degmada 26-Ka June ee Magaalada Hargeysa, iyada oo Ninka Dilkaas geystay uu toogtay ciidankaas soo qabashadiisa ku amranaa, kadib markii ay guriga ku garaaceen. Warku waxa uu intaas ku daray in Ninka dilka lagu eedaynayo oo ganacsade ahaa ay soo dacweeyeen Muwaadiniin lacago u sheeganayey, kuwaas oo maxkamadda kasoo goostay Warqad soo qabasho ah, isla-markaana ciidanka dhimashada iyo dhaawacu gaadhay ay warqaddaas sideen, kuna talo jireen inay xidhaan ka hor intii aanu si toos ah u tooganin. Ciidanka Booliska ah oo lagu waday Gaadhi rayidku leeyahay, ayaa Aqalka Ninkaas garaacay, isla-markaana Dalbaday inuu soo raaco, iyagoo tusay warqadda soo qabashada ah ee Maxkamadda ka timi, waxana uu u sheegay inay sugaan inta uu soo diyaar garoobayo, balse dhacdo naxdin leh, ayaa intaa wixii ka dambeeyey bilaabtantay. Ninka lagu eedaynayo inuu dilka geysay, ayaa la sheegayaa inuu aqalka kala soo baxay Bastoolad u taallay, isla-markaana Askartii Albaabkiisa taagnayd ku bilaabay toogasho, isagoo halkaas ku dilay Hal askari, midkalena ku dhaawacay, halka intii kale ay cagaha wax ka dayeen. Ninka dilkaas lagu eedaynayo ayaa Goobta iskaga baxsaday, iyadoo ilaa haatan ciidamada Boolisku ku Hawllan yihiin soo qabashadiisa, balse wali gacanta laguma dhigin shakhsiga dilkaas naxdinta leh lagu eedanaynayo. Guddoomiyaha Degmada 26-ka June ee Magaaladda Hargeysa C/qaadir Axmed Maxamed oo ah degmada uu falkani ka dhacay, ayaa sheegay inuu jiro falkaasi oo uu geystay nin shacab ah, isla markaana uu dhintay hal askari midna uu dhaawacmay, isaga oo guddoomiyuhu ka cudur daartay inuu faah faahin intaas ka badan inuu bixiyo, "Waxa ay ahayd halkan Idaacadda meesha falkaasi ka dhacay, waxaana dhintay nin Askari ah iyo nin kale oo dhaawac isaguna ah, ninkii falkaas geystayna lama hayo” ayuu yidhi Guddoomiyaha Degmada 26-ka June. Ilaa iyo Xalay ciidamada Booliska ayaa ay taladoodu noqotay inay gaaf wareegaan Deegaanka Dilkaasi ka dhacay, iyagoo Bilaabay qabqabashada Odayaal ehel la ahaa ninka dilkaas loo nisbaynayo, mana ay qaadin wali wax tallaabo ah oo intaas dhaafsiisan. waxana Meydka Askarigii geeriyooday la dhigay Qolka Meydka ee Cisbitaalka Hargeysa, halka kii dhaawaca ahaan xaaladdiisa lala tacaalayo. Taliska Ciidanka Booliska ayaan wali ka Hadlin arintan, iyadoo Taliyaha Ciidanka Booliska aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu wax uga waydiinno arrintani, ayaanay noo suurta gelin, iyaga oo saraakiisha kale ee ka hooseeyaana ay sheegeen in aanay ka hadli Karin dhacdadaasi oo uu ka hadli karo oo keliya taliye Fadal, isagana aanaan helin oo uu telfoonka qaban qaayey. Magaalada Hargeysa, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey dilal kala duwan iyo dhaawacyo laga geysanayey xaafado kala duwan oo caasimadda ku yaalla, iyadoo aanay ciidamada Boolisku wali muujinin tallaabooyin ay arrimahaas wax kaga qabanayaan xilli lagu jiro Bishii Barakaysnayd ee Ramadaanta.



Xigasho: Hubaal