Madaxda Hay'adda Care iyo Masuliyinta wasaradda waxbarashada Oo Booqday Dugsiga Sare Ee Warancadde Secondary School. +Sawiro

0
Wednesday June 24, 2015 - 08:21:56 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Hay'adda Care iyo Masuliyinta wasaradda waxbarashada Oo Booqday Dugsiga Sare Ee Warancadde Secondary School. +Sawiro

    Wafti ay hogaaminayso Haweenayda ugu Saraysa Hay,adda Care International Laamaheeda Aduunka Mss Mechel iyo Xubno ka Tirsan Golaha wasiirada Somaliland Ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafti ay hogaaminayso Haweenayda ugu Saraysa Hay,adda Care International Laamaheeda Aduunka Mss Mechel iyo Xubno ka Tirsan Golaha wasiirada Somaliland Ayaa

shalay Bookhasho Ku tagay Dugsiga Sare ee Waran-Cade Secondary School Ee magaalada Hargaysa .wafdigan oo u kuur Galayay Xaalada Schoolka Ayaa Ugu Horayn waxaa Haklkaasi Ku soo dhaweeyay Maamulka , macalimiitta , Ardayda iyo Gudoomiyaha Gobalka ee Waxbarashada Ismacil Cali Faarax {dhubato).

 

SAM_8880

Kulankan oo Ahaa mid si heersare ah ay usoo ageesimeen Maamulka, macalmiinta iyo waliba Ardayda dugsigu ayaa waxaa ugu horay hadal kooban oo soo dhawayn iyo mahadnaq iskugu jira goota ka jeediyay Maxamed Axmed Kaahin oo ka tirsan gudiga Schoolka isagoo si koobana u dul-maray Baahida dugsiga xiligan. Waxaa iyana goobta ka hadlay Maamulaha Schoolka Cumar Cabdilaahi Xassan (foodcade) iyo Macalin Cabdiqaadir Maxamed Ismaaciil (Askar) waxaanay dhamaantood iska daba mareen in iskuulkani soo maray Marxalada badan mudadii uu jiray islamrakaana ay Dedaal dheer u galeen sidii uu unoqon lahaa Horyaalka Schoolada dalka, Carabka ku dhufteen in uu Hada Schoolku Jiray Muda Yar marka loo eego Dugsiyada Sare ee Gobolka M/jeex.

 

 

SAM_8886

Sidoo kale maamulaha dugsiga Cumar iyo Macalin Cabdiqadirba waxay wafdigan u iftiimiyeen Xaalada dhabta ah ee hada Schoolku maraayo baahiyihiisa ka muuqata , iyo in aanu lahayn Dugsigu Library iyo waliba Hool(Hall) , isla markaana ay dhul ahaan u qorsheeyeen meeshii laga samayn lahaa loona baahan yahay in Schoolka dhismayaashaas lagu kordhiyo , iyadoo waftiguna latusay seesaska iyo goobaha loo qorsheeyey indhahoodana ay ku arkeen .

Maamulaha iyo xubnaha kale ee goobta ka hadlayba waxay umahad celiyeen Wafdiga Care International iyo wasiir ku xigeenka waxabarashada Somaliland Cabdrashid Ismaaciil Kaahin iyo wasiiro dawlaha W/Waxbarashada Axmed Nuur Faahiye . Wuxuuna maamulka dugisigu sheegeen in ay ku faraxsanyihiin in wafidgani soo bookhdaan , iyagoo xusay in ay xil-iska saaraan sidii loo dabaqi lahaa baahida Schoolka.

Waxaa isna goobta hadlao kooban oo mahadnaq iyo soo dhawayna ka jeediyay G/Gobolka M/jeex Ismacil Cali Faarx(Dhubato). Wuxuu carabka ku dhuftay in schoolkani wax wayka taray baahida waxbarasho ee guud ahaan Gobolka .

Madaxa Hay,dda Care Internataional Mss Mechel ayaa iyana dhenkeeda sheegtay in ay ku faraxsanta bookhashada ay ku timi Schoolkan iyadoo sheegtay in ay dalka timi Shalay (daraad), waxay intaas raacisya in ay Doorbiday in ay timaado somaliland islamrkaana ay Sii doorbiday in ay Schoolkan kormeer ku timaado, Haweenaydu waxay ku wareegtay Fasalada uu iskuuku ka koobanyahay iyadoo arday su,aalwaydiisa gaar ahaan hablaha dugsiga Warancade .

Waxaa iyana barxada schoolka riwaayad kooban ku soo Bandhigay Ardayd Dugsiga Warancade taas oo ahayd mid aad u xiisa badan oo ay soo dhawayeen dadwaynihii goobta fadhiyay.

Ugu dambayn waxaa hadalo kooban warbaahinta siiyay W/Kuxigeen Waxbarashada Somaliland Cabdrashid Ismaaciil Kaahin iyo wasiiro dawlaha w/waxbarashada Axmed Nuur Faahiye, iyagoo u mahad celiyay sida fiican ee loosoo dhaweeyay , kuna faraxsanyihiin isbadalka ka muuqda schoolka bilacahaan iyo waxbarasho ahaanba ,iyagoo idhahoodana ku arkayay baahiyaha schoolkan.

Wasiir ku xigeenku wuxuu tilmaamay in iskaashi iyo hab contribution ah lagu dhisi karo inta u dhiman schoolka .Guud ahaan kulankan ayaa ahaa mid jawi fiican ku dhamaaday, walaw aanay madax Wasaaradu balaqaad rasmi ah sheegin hadana ay tibaaxeen dhankooda in ka qayb qaadan doonaan baahida schoolkan.

Waxaa iyana indhaha soo jiidanayay dhirta lagu beeray dayrka schoolka iyo Bilacda ka Muuqata oo Cagaaran , islamrkaana Maclin Cabdiqaadir sheegay in ay si wada jira ah u beeraan Ardayda iyo macalimiintuba .

Isku soo wada Duub oo Dugsiga Waran -cade Secondary School Ayaa wax wayn ka Taray Baahida Waxbarsho Ee Bariga Hargaysa Gaarahaan Degmada G/ibaax ,inkasata oo uu wakhti xaadirkan ubaahanyahay in lagu kordhiyo dhismayaasha ka dhiman sida Library , iyo waliba hoolkii shiraraka oo Qabyo-ah Seeskooduna Yaalo.


Rep: 

Cabdirashid Muse Adan ,

Rashaad055@hotmail.com