GANACSATADA SOOMAALIDA EE KENYA OO QABSADAY QAREENNO DIFAACA SOOMAALIDA LAGU XIRXIRAY KENYA

0
Saturday April 12, 2014 - 14:30:21 in by Super Admin
  • Visits: 593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GANACSATADA SOOMAALIDA EE KENYA OO QABSADAY QAREENNO DIFAACA SOOMAALIDA LAGU XIRXIRAY KENYA

    Ganacsatada Kenya ayaa qabsaday Looyaro u dooda Shacabka iyo dadka qaxoontiga ah ee Booliska Kenya ku xiray Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsatada Kenya ayaa qabsaday Looyaro u dooda Shacabka iyo dadka qaxoontiga ah ee Booliska Kenya ku xiray Kenya.

Ganacsatada ayaa sheegay inay ku kaliftay Dalabka Maxakamada ka dib markii la dhegaysan waayay dadka Soomaalida ah ee Masuuliyiinta, Ganacsatada iyo Waxgaradka. Guddida Ganacsatada ayaa sheegtay in dad la garanayo oo Kenya u dhashay lagu celiyey Soomaaliya. Waxay sheegeen in Kharashka ku baxaya Maxakamada iyo looyaro Saddex ah ay iska ururiyeen Ganacsatada Kenya ee Soomaalida.

"Waxaanu tiigsanaynaa Sharciga, Xaqa aanu leenahay ayaanu dhacsanaynaa, waxaanu qabsanaynaa Qareenno. Saddex Looyar weeye, kuwaas oo aanu doonayno inay u dacwoodaan Dadka la xumeeyay ee la xiray. Liis dheer ayaanu haynaa oo ah dad la xumeeyay oo iyadoo la garanayo inay yihiin Dad Kenyan ah la xumeeyay, kuwaas ayaan doonaynaa in la xaal mariyo oo laga raali geliyo wixii lagula kacay.” Ayuu yiri Xasan Guuleed oo Ganacsatada Kenya ka tirsan lana halday BBC-da

Ganacsadaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inay ku kalsoon yihiin Maxakamaddu inay talaabo ka qaado Falalka Xukumadda Kenya ka wado Meelaha Soomaalidu degan tahay.

"waxaanu doonaynaa in Maxakamada aanu ka dalbano inay Dawladdu joojiso Hawl galada Boolisku wadaan ilaa dooda Shacabka iyo Dawladda u dhexaysa ay dhamaanayso. Kalsooni weyn ayaan ka qabnaa Maxakamadda, waayada maxakamadduhu Awood ayay leeyihiin, wixii ay gooyaana dawladdu way ayidaa(Aqbashaa) oo amarka ay bixiyaana waa la qaataa.” Ayuu yiri Ganacsade Xasan Guuleed

Hawl galo Booliska Kenya ka wado Kenya ayaa saamayn weyn ku yeeshay Soomaalida Qaxoontiga ah iyo Soomaalida Kenya u dhalatay. Ilaa 3000 oo qof ayaa xabsida loo taxaabay qaarkoodna lagu Ururiyey Garoomo ciyaareed. Dad ka badan 80 qof oo lagu celyey Somalia ayaa sheegay in si xun loola dhaqmay intii ay ku jireen Xabsiyada Kenya..








Afkashacabka.com

Nairobi - Kenya /Office

Contact@afkashacabka.com