Madaxwaynaha Soomaliland Oo Ka Qayb Galay Dabaaldaga Munaasibada 26 Juun Oo Lagu Qabtay Qasriga Madaxtooyada. +Sawiro

0
Friday June 26, 2015 - 15:16:06 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Soomaliland Oo Ka Qayb Galay Dabaaldaga Munaasibada 26 Juun Oo Lagu Qabtay Qasriga Madaxtooyada. +Sawiro

    Xuska 26-June 1960 kii oo ku beegan maanta oo jimce ah ayaa si weyn looga xusay guud ahaan dalka Somaliland gaar ahaana waxa xaflada xornimadii qaranka Somaliland ka helay ingiriiska 26-June-1960kii lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo uu m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xuska 26-June 1960 kii oo ku beegan maanta oo jimce ah ayaa si weyn looga xusay guud ahaan dalka Somaliland gaar ahaana waxa xaflada xornimadii qaranka Somaliland ka helay ingiriiska 26-June-1960kii lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo uu madaxweynuhu goobjoog ka ahaa.


axmed1

Xafladan qiimaha badan ayaa waxa isugu yimid odayaal iyo masuuliyiintii wakhtigii ay Somaliland qaadatay Xornimada kala wareegay Boqortooyadii Ingiriiska, waxaana ka mid ahaa DC-gii ama Gudomiyihii wakhtigaasi lagu wareejiyey xornimada Somaliland oo ahaa Cismaan Axmed Xasan (Indhoole), Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe), Maxamuud Aadan Dheri, Saxardiid Raage oo dhamaantood ka waramay qiimihii xornimadu lahayd, Dareenkii, xamaasadii iyo sidii loogu wareejiyey Somaliland.

11665595_792388754208313_3071588472643113260_n

Sidoo kale waxa xafladan ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse biixi Cbadi, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Aadan Xaaji Cali, Marwada Qaranka Somaliland Marwo Amina Sheekh maxamed Jirde, Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin tiro badan oo kale.

axmed2

axmed3axmed4

axmed6

axmed7

axmed8

axmed9

axmed10axmed11

axmed12















Contact@afkashacabka.com